HomeMadaxweyne Ku-xigeenka oo Daah-furay Shirweynaha Tiknoolajiyadda Somaliland iyo Doorka Wasaaradda Isgaadhsiinta

Madaxweyne Ku-xigeenka oo Daah-furay Shirweynaha Tiknoolajiyadda Somaliland iyo Doorka Wasaaradda Isgaadhsiinta

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Shirka heer qaran ee Cilmiga Tignoolojiyada oo ka furmay Magaalada Hargeysa isla-markaana socon doona laba maalmood oo lagu lafa guri doono horumarka dhanka IT-ga ee Somaliland.

blankShirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolojiyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa guud ahaanba Shirkadaha waa weyn ee Isgaadhsiinta Waddanka iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Tignoolojiyada, muddadaa uu socdo shirkaasi waxaa la isku waydaarsan doonaa arragtiyaha iyo aqoonta kala duwan ee IT-ga iyadoo la filaayo inuu kasoo baxo War-murtiyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyada hanaanka wanaagsan ee ay u soo abaabushay shirkaasi, sidoo kalena waxa uu ku amaanay Shirkadaha isgaadhsiinta doorka muuqda ay ku leeyihiin horumarinta Tignoolojiyada Waddanka.

blank

Madaxweyne ku xigeenku ayaa sidoo kale sheegay in loo baahnaa shirkan si loogu eego halka ay marayso Tignoolojiyada waddanku iyo halka aynu higsanayno, waxaana uu shirkadaha iyo Wasaaradda u rajayey in wakhtiga uu socdo shirkaasi uu kasoo bixi doonaan qodobbo muhiim ah oo guul u ah Qaranka.

blank

Dhanka kale Madaxweye ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray Carwo loogu talo galay Tignoolojiyada iyo horumarinta IT-ga oo ay shirkadaha kala duwan ee Waddanku kusoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan ee ay bulshada u qabtaan, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka socod ku soo maray dhammaanba goobaha ay shirkadaasi ku soo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories