HomeMadaxweyne Ku-xigeenka Oo Daah-furay Shirkad Cusub Oo Kalluumaysi Oo Lagu Magacaabo LUGHAYA...

Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Daah-furay Shirkad Cusub Oo Kalluumaysi Oo Lagu Magacaabo LUGHAYA SEAFOOD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Lughaya, (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somailand Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku daah-furay degmada Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal xeebtiisa galbeed shirkad kalluumaysi oo lagu magacaabo Lughaya Seafood, taasoo ay hirgeliyeen qurbejoog u dhashay deegaannada gobollad Awdal iyo degmada Lughaya, isla markaana shaqo loogu samaynayo dhalinyarada deegaanka, door ka qaadan doonta wax soo saarka dhinaca khayraadka badda.Lughaya Seafood

Munaasibad uu xadhiga kaga jaray madaxweyne ku-xigeenku shirkaddaas cusub ayaa wax aku wehelinayay wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cali Jaamac Buureed, Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey), agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo macdanta Siciid Axmed Jibriil iyo agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta Cabdirashiid Axmed Sulub, waxa kale oo munaasibaddaas goob-joog ka ahaa xildhibaanno, qaar ka mid ah masuuliyiinta gobollada Selal iyo Awdal iyo maamulka degmada Lughaya.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyay munaasibaddii xadhig ka jarista shirkadda Lughaya Seafood ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo inuu xadhiga ka jaro shirkad noocan ah oo ay hirgeliyeen qurbe-joog u dhashay deegaanku, waxaanu yidhi. “Runtii farxad weyn bay ii tahay inaan kasoo qaybgalo xafladdan lagu daah-furayo shirkadda Lughaya Seafood oo ay maalgeliyeen dhalinyartaas qurbejooga reer Lughaya, waxaanay farxad gaar ah noogu tahay waa wax noloshii ummadda deegaanka wax badan ka bedelaysa, bani’aadamnkuna wuxuu qabto waxa u wanaagsan wixii ummadda lagu noolaynayo.

Lughaya degmo weyn oo qadiimi ah ayay ahayd waxa dibu dhaca ugu wacani waa wado xumo, in badan oo aanu tabaynay oo aanu lahayn dadkeedii may wax ka qabtaan, ragga maanta halkan sameeyay horseed bay ka noqdeen inay degmadoodii wax kusoo kordhiyeen, waana lagu dayan doonaan Insha Allah oo waxaa iyo ka badan waa la qaban karaa haddii la isku tashado, waxaana la inooga baahan yahay, sida ay maanta wiilashaas maalgeliyay shirkaddani ay u soo dhiiradeen in inkale oo badanina usoo dhiirato oo ay dalka wax kusoo kordhiso, bani’aadamku hadduu is-yidhaahdo wax qabo oo ay ka go’an tahay wuu qaban karaa, wax kasta oo adag waa laga gudbi karaa, waddamadaas horumaray ee lagu yaacayo dad baa kasoo shaqeeyay iyaga oo aan haysan cadceed joogta ah.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay wasiirka wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayaraadka badda Cali Jaamac Faarax (Buureed), isagoo carrabka ku adkeeyay inay si buuxda u aqoonsan yihiin shirkaddan cusub ee Lughaya Seafood, isla markaana uu ku tilmaamay inay dhiirigelin weyn u tahay kalluumaysatada ka wasaarad ahaanna ay garab is-taagi doonaan.

Sidoo kale waxa ka hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha kalluumaysiga, qorsheynta iyo macdanta, guddoomiyaha degmada Lugaha iyo masuulka ugu sareeya shirkadda Lughaya Seafood Xasan Yuusuf Wadaad iyo xubno kale oo dhamaantood ku tilmaamay daah-furka shirkadda cusub ee kalluumaysiga ee Lughaya Seafood mid ka mid ah horumarka la taaban karo ee ka hirgeligalay dalka, gaar ahaan dhinaca khayraadka baddaha.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories