HomeMadaxweyne Ku-xigeenka Oo Daah-furay Shirkad Cusub Oo Gaadiidkeedu U Kala Gooshi Doonaan...

Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Daah-furay Shirkad Cusub Oo Gaadiidkeedu U Kala Gooshi Doonaan Gobollada

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargaysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (sayalici), ayaa manta ka qayb galay  xaflad lagu daah-furyay shirkad cusub oo gaadiid, taasi oo isaga kala gooshi doonta goboladda dalka.Saylici

Shirkadaasi cusub ee gaadiidka  oo ay leeyihiin ganacsato reer Somaliland ah, oo  magacaeeda la yidhaahdo SAHAL TRANSPORT, isla markaana ka shaqayn doonta qaadista dadka Rakaabka ah ee isaga kala gooshaya goboladda iyo degmooyinka dalka iyo sidoo kale alaabooyinka la dirayo.

Xafladda shaacinta shirkadani cusub oo lagu qabtay…  waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka ganacsiga  Dr. Muuse Qaasim, wasiirka Hawlaha guud C/rasaaq  Khaliif Axmed,  masuuliyiinta shirkadda SAHAL TRANSPORT, iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay masuuliyiinta shirkadaasi dedaalka wanaagsan ee ay muujiyeen, isagoo ku tilmaamay in shirkadani socdaalka gaadiidka ee ay soo kordhiyeen in ay ka mid tahay horumar dalka u soo kordhay.

“Shirkadani dalka waxay ku soo kordhisay  horumar badan,  waxaanay dadku  ka   maarmi doonaan   gaadhi fuulkii iyo dadkii la kala jidanayay,  saacada aad doonto ayaa u imanaysaa halkaad  doontana way kuu gaynayaan alaabta.  Markaa  waa shirkad qaali ah,  una baahan in dedaal la galiyo,  waa in aad noqotaan shirkad dadka iyo dalkaba wax ku soo kordhisa,  aad baanan  idiin dhiirigelinaynaa”ayuu yidhi C/raxmaan ismaaciil Saylici.

C/raxmaan ismaaciil Saylici, waxa kale oo uu ka waramay faa’iidadda ay leedahay in wax la isku darsado, iyadoo haddii ay ganacsatadu sidan oo kale isugu geeyaan abuuritaanka  shirkadaha in ay  noqonayso mid wax weyn dalka iyo dadkaba u soo kordhinaysa.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “ Aduunku  waxa  ay ka faa’iidaystaan wixii ay isku darsadaan, oo ah hadba wixii dalku u baahan yahay,  maantana wax wanaagsan ayaad soo kordhiseen, waxana wanaagsan in aad lahaatan shuruuco dadku raacan iyo sharci idiin yaala oo qeexaya   sida loo kala sareeyo”.

Wasiirka Hawlaha  Guud C/risaaq Khaliif Axmed,  oo madashaasi hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay   ganacsatadda soo kordhiyay shirkadani cusub ee socdaalka, taasi oo  ku tilmaamay mid dalka wax badan ka tari doonta, iyadoo kuwii hore  u jiray kaga duwan in  ay qaadayso dhamaanba wixii alaabooyin ah ee loo dhiibo.

Waxaanu yidhi “Haddii  sida ay tahay loo fahmo way  fiican tahay , wixii  la wada leeyahay  way ka fiican tahay, kuwa gaarka loo leeyahay  marka  sideedda loo  ilaashado.  Shirkadaha  wadanka ka hana qaaday,  waa  inay  dadkeenu  ku dhiiradaan in alaabta ay meeshan ka dhiibaan saacad iyo badh ka dib ay helayaan.

Hawsha  waa  hawl loo  baahnaa,   waanu ku amaanayaa waxaanan idiin  rejaynaynaa in aad dadka ugu horeysaan maada ay muruqoodi iyo maalkoodii isugu geeyeen dhallinyaradana aad ban u soo dhaweynayaa”.

Wasiirka  ganacsiga  Dr. Muuse  Qaasin, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay  ayaa ka waramay   ahmiyada ay  shirkadani  SAHAL TRANSPORT  u leedahay dalka iyo dadkaba, iyo hawsha wanaagsan ee ay qabanayso bulsho waynta reer  Somaliland.

Waxaanu yidhi “Waxaynu daahfuraynaa shirkad gaadiid oo ka shaqayn doonta isku xidhka socodka dalka.  Markii  hore waxaa  gawaadhi  dadka qaada laakiin imika nimankani  dhallinyarada ahi  waxay soo kordhiyeen in alaabta iyo dadkaba  ay qaadan.

Wadankeenu   waa wadan cusub  oo  maalinba wax ku soo biirayaan, waxaana  loo  baahan yahay inay ku soo biiraan dhallinyaradda  gawaadhidan soo saaray,  waxay mudan yihiin ku dayasho, hase ahaatee shirkadu waxay  u socdaalayaa sida gawaadhida ku qoran  galbeedka.  Waxaananu  rejanaynaa inay  dhinac walba gaadhaan”.

Sidoo kale waxaa isna xafladaasi hadal ka jeediyay Mukhtaar Cali CIsmaan, oo ku hadlayay afka masuuliyiinta shirkadda SAHAL TRANSPORT,    waxaanu     fahfaahin ka bixiyay  sida ay shrikadu u shaqayn doonto isagoo   ku dheeraday muhiimada ay u leedahay shirkadani  dhamaanba bulshadda reer Somaliland iyo waliba fursadaha  shaqo abuurista  ee ay u samaynayso dhalinyadda.

Waxa  kale oo uu sheegay  Mukhtaar Cali inay  mudadda  ugu horaysa ka shaqayn doonto magaalooyinka  Hargaysa,  Wajaale iyo  Boorama, marka danbena ay  bilaabi doonaan in ay ka shaqeeyaan goboladda kale. Waxaanu yidhi  “Hawshani  waxay socotay muddo badan waxaa maanta indhihiina ku arkaysaan shaqaalihii iyo gaadiidkii oo hortiina taagan taasina waxay ka turjumaysa in wadankeena ay yaalan fursado shaqo abuur lagaga faa’iidaysan karo shirkadan Sahal waxay shaqadeeda koobaad ka bilowday gobolada galbeedka waxaanu wadna tijaabo ee hadan mashruuca noo suurtogalo barigana waanu ku dari doona xukuumaduna way diin la shaqeyn doonta, shirkadana waa shirkad qayb muhiima ka qaadan doonta koboca dhaqaale”.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories