HomeMadaxweyne Ku-xigeenka oo xadhigga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Gabiley iyo Wasiir...

Madaxweyne Ku-xigeenka oo xadhigga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Gabiley iyo Wasiir Duur oo Canaantay Reer Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madax ka socotay Golayaasha qaranka ayaa maanta Xadhiga ka jaray Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Magaalada Gebilay.

blankWeftiga Madaxweyne ku-xigeenka waxa ku wehelinayay Wasiirada Arrimaha Gudaha,Hawlaha Guud,  Boosaha iyo Isgaadhsiinta ,Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasada ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ,Maareeyaha Xafiiska Samo falka ee Madaxtooyada iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo kala ah Laba  hool oo lagu soo kordhiyay xarumaha  dawlada hoose iyo  agoomaha ee magaalada gebilay, laba fasal oo laga sameeyay  Caro tuulka, iyo Jidad laami ah oo laga hirgaliyay magaalada gebilay.

Weftigu waxaa kale oo ay kormeer ku soo mareen Xarunta dawlada hoose oo dayactir balaadhan lagu sameeyay iyo dhismaha  Guriga Martida oo laga bilaabay magaalada gebilay waxaana Mashaariicdaas kala duwan hirgeliyay Maamulka dawlada hoose ee Magaalada Gabilay, waxaana halkaasi warbixin ku siiyay weftiga Madaxweyne ku xigeenka Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

blankMadaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo dadweynaha ku nool magaalada gebilay kala hadlay Hoolka shirarka ee dawlada hoose oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay ayaa tilmaamay siyaabaha horumar lagu gaadhi karo oo uu ku sheegay iskaashi mug leh oo dhex mara maamulka dawlada iyo dadweynaha ay u adeegayaan, ,Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” waxa uu xusay in Xukuumada uu Gadhwadeenkeeda ka mid yahay ay ku dadaalayso sidii ay uga wada dhabayn lahayd dhamaanba balan qaadyadii ay ku hanteen codka kalsoonida Shacabka ee taabanayay adeegyada dhaqan dhaqaale ee wadanka isagoo intaas ku daray in bulshada ku nool gobolka gebilay looga baahan yahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka gobolka .

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” waxa uu amaan u soo jeediyay duqa magaalada gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo uu ku tilmaamay qofka udub dhexaadka u ah hrgelinta mashaariicdan uu xadhiga ka jaray.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa bulshada gobolka gebilay waxa uu ku canaantay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan ku dhiiglayaashii falka naxariis darada ee ka dhacay deegaanka Seemaal oo lagu dilay Sadex qof oo aan waxba galabsan, isagoo hoosta ka xariiqay in shacbiga Gebilay looga fadhiyo inay iska soo dhex qabtaan cidii falkaas gaysatay.

Maxamed Nuur Caraale “Duur” wuxuu kula dardaarmay bulshada ku nool deegaanka gobolkaasi inay ilaaliyaan wax kastoo dhaawici kara wada dhalashada, iyo nabad ku wada noolaanshaha ummada walaalaha ah ee ku dhaqan Gobolada Awdal iyo Gebilay.

La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Siyaasada Abiib Diiriye “Abiib Timo cad “ ayaa dhankiisa ilaahay ka baryay in cidii fidnadaas gaysatay uu sharkeeda ka abaal mariyo .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirada Hawlaha Guud Prof Ismaaciil Muumin Aare,Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr Axmed Xaashi Oday ,Kaluumaysiga Md.C.laahi Jaamac Cismaan “Geeljire” Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Maareeyaha Xafiiska Samo falka ee Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye ayaa dhamaantoodba ku amaanay maayarka gebilay,maamulka iyo hawl wadeenada dawlada hoose ee muujiyay dadaalka wax ku oolka ah ee ay ku hirgeliyeen Mashaariicdan waxaa kale oo xubnahan golaha wasiirada ahi ugu baaqeen shacbiga gobolkaasi inay Xukuumada kala shaqeeyaan Wax kastoo wiiqi kara nabadgalyada dalka .

Maareeyaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye iyo Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar ayaa Shahaado sharaf gudoonsiiyay Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo Xoghayaha dawlada hoose ee degmadaasi.

SLpost News Desk

Kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories