HomeMadaxweyne Kilalka 5aad oo la sheegay inuu Cabasho ka muujiyey Dacwado maamulkiisa...

Madaxweyne Kilalka 5aad oo la sheegay inuu Cabasho ka muujiyey Dacwado maamulkiisa ku Shaqo leh oo Somaliland kala xidhiidhay dawladda Dhexe ee Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 30 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha gobolka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) ayaa cabasho ka muujiyey dacwado uu sheegay in Dawladda Somaliland u gudbisay Dawladda Federaalka ee Waddanka Itoobiya, kuwaas oo la xidhiidhay dhacdooyin kala duwan oo ka dhacay Xuduudda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Maamulka Kililka 5aad ee Itoobiya oo Maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Jijiga ku qaabilayey Wufuud kala duwan oo isugu jira Xildhibaanno iyo Madax-dhaqameed Somaliland ka tegay, ayaa sheegay in Dawladda Somaliland dacwado kala duwan u gudbisay madaxda sare ee dawladda Federaalka Itoobiya, kuwaas oo sida uu sheegay isagu wax ka qaban lahaa.

In kasta oo aanu jirin war Rasmi ah oo ka baxay dhanka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo ku saabsan cabashadan, hadana sida ay sheegayaan xogo laga helay Weftiga Xildhibaannada iyo Madax-dhaqameedka ee la kulmay Madaxweyne Cabdi Iley, waxa uu ka xumaaday in Dawladda Somaliland ay la dhaafto waxyaabaha ay ka tabanayso maamulkiisa oo uu tibaaxay in uu u madax-bannaan yahay xallintooda, isaga oo xusay inuu mar kasta jecel yahay in dawladda Somaliland iyo Maamulkiisu si toos ah uga wada xaajoodaan shaqaaqooyinka ka dhaca xuduudaha, sida ay hore labada dhinac ugu heshiiyeen.

Warkan ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu weftiga Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ee la kulmay, uu soo faray in ay madaxweynaha Somaliland ka gaadhsiiyaan cabashadan, isla markaana uu dhinaciisa diyaar u yahay in wixii ka dhaca xuduudda ee saamaynaya labada dad ay toos uga wada hadlaan iyo wada-shaqayn joogto ahi dhex marto Somaliland iyo maamulka Kililka shanaad.

Si kastaba ha ahaatee, cabashadan la sheegay in ay ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Kililka 5aad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa la rumaysan yahay in ay ka dambaysay dhacdooyinka ka dhacay xuduudda laba dal ee Itoobiya iyo Somaliland kuwaas oo xukuumadda Somaliland kala xidhiidhay Dawladda Dhexe ee Dalka Itoobiya.

Dhacdooyinkan xukuumadda Somaliland kala xidhiidhay Dawladda Itoobiya, ayaa wax aka mid ahaa faro-gelin ay ciidamada Liyuu Booliska ee Kililka 5aad ee Itoobiya ku sameeyeen gudaha xuduudda Somaliland, halkaas oo tacaddiyo kala duwan ay ugu geysteen muwaadiniin xoolo-dhaqato ah.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories