HomeMadaxweyne, Handaraabka La Sheegaa Waa Mid Ku Kooban Xafiiskaaga! – W/Q: Mowliid...

Madaxweyne, Handaraabka La Sheegaa Waa Mid Ku Kooban Xafiiskaaga! – W/Q: Mowliid Aadan Cumar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

MowliidMadaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxaan u soo jeedinayaa Saddex qodob oo horumar u ah Maamul-wanaagga iyo wada-shaqaynta Hay’adaha Dawladda, waxayna kala yihiin:-

  1. Isbeddelka Xukuumadda aad hoggaamiyaha ka tahay kuma koobna Xubnaha aad Magacowdo ee kala ah, Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, balse Isbeddelku wuxuu ka bilaabmaa Shaqaalaha, Madax-qaybeedyada oo la siiyo Tababbarro iyo wacyi-gelin ah ku dhaqanka Shuruucda Hay’adaha Dawliga ah, haddaba Mudane Madaxweyne wixii ka dambeeyay markii aad Magacowday Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Agaasimayaasha guud, waxa soo ka soo if baxay isla-markiiba is qabqabsi iyo wada-shaqayn la’aan ka dhex jirtay Xukuumadihii horeba, taana waxa sabab ah masuulka ugu sarreeya Wasaaraddu iyo ku-xigeenkiisuba ma samayn karaan isbeddel, balse waxa keena Isbeddelka ku dhaqanka Sharciga Wasaaraddaas ama Hay’addaas iyo la xisaabtanka Agaasime-waaxeedyada iyo shaqaalaha, sidaasi awgeed waxaan soo jeedinayaa in isbeddelka aad hormoodka ka tahay inuu noqdo ku dhaqanka Sharciga iyo la xisaabtanka Masuuliyiinta aad Magacowday ee Hay’addaasi.

Haddaba, iyadoo hadal-haynta Dadku u badan tahay in Handaraab dhaqaale ka jiro Dalka sanadkii aad hoggaamiyaha Qaranka ahayd, balse Handaraabka lagu hal-qabsadaa maaha mid ka yimid Kaantaroolidda kharashaadka iyo dakhliga Dawladda ee waa mid ku kooban Xafiiskaaga iyo Af ku xoogleyaasha siyaasadda oo meesha ka baxay, sidaasi darteed waxaan kuu soo jeedinayaa, inaad hawl-geliso Hanti-dhowrka Qaranka oo Hay’adda u xil-saaran Kaantaroolidda kharashka iyo dakhliga, taasi oo horumar iyo sharaf u ah Xukuumadda aad hoggaamiso, iyadoo Hay’adda Hanti-dhowrka Qaranka lafteedu u baahan tahay Masuul Aqoon iyo khibrad u leh Waajibaadka Hanti-dhowrka.

  1. Mudane Madaxweyne, waxa jira Hay’ado muhiim ah oo ay lagama maarmaan tahay inaad dib u eegis ku samayso xilka ay Qaranka u hayaan iyo khibradda Masuuliyiinta ku Magacaaban, sida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Baanka dhexe ee Qaranka iyo Xeer ilaalinta guud ee Qaranka. Saddexdaa Hay’adood waxay Qaranka uga masuul yihiin tiirarka ugu muhiimsan Dawladnimada, balse wakhtigan waxa ka muuqda hoggaan la’aan.
  2. Mudane Madaxweyne, Miisaaniyadda Qaranka maaha mid Odoros iyo Qiyaas uun ku xidhan, balse waa inay ahaataa mid wasaarad walba lagula xisaabtamo Bajadkeedii inay ku fulisay wixii loo qorsheeyay. Sidaasi awgeed waxaan kuu soo jeedinayaa inaad magacowdo guddi Madax-banaan oo shaqadoodu tahay daba-galka sida Wasaaraduhu u isticmaaleen Lacagtii loo dhiibay, taasi oo kaabi doonta shaqada Hanti-dhowrka Guud iyo Xisbiyaha guud ee Dawladda.

Mudane Madaxweyne, Anigoo aad kuugu hambalyeynaya muddadii aad xilka haysay tix-gelinta aad siiso ka jawaabidda tabashada Shacabka Somaliland iyo Talo soo jeedinta Muwaadiniinta, waxaan rajeynayaa inaad ka midho-dhaliso qodobbadan wixii mudnaan leh ee Danta Qaranku ku jirto.

Wa billaahi Towfiiq

Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories