HomeMadaxweynaha Djibouti Oo Shaki-geliyey Maalgeshiga DP World ee Dekedda Berbera

Madaxweynaha Djibouti Oo Shaki-geliyey Maalgeshiga DP World ee Dekedda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha dalka Jabuuti IsmaaciilCumar Geelle ayaa sheegay in aanu illaa hadda maqal wax sheegaya in shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay ay maalgashi ballaadhan ku samaynayso dekedda Berebra. Waxa keliya ee uu ogyahayna uu yahay soo jeedimo mashariiceed.

Madaxweyne Geelle oo waraysi siiyey shabakadda ‘The Africa Report’ oo xarunteedu tahay dalka Faransiiska, waxa uu shirkadda DP World ku dhaliilay in ay caan ku tahay in marka hore ay buuq iyo hadal hayn badan abuurto, laakiin intaas ka dib aanay waxba qaban. “Xitaa wiishka ugu yar oo kor loo taagay kuma arkaysid. Annaga ayaa taas soo ogaannay” ayaa uu Madaxweyne Geelle ku yidhi waraysigan oo ay The Africa Report faafisay Salaasadii 24-ka Noofambar.

blankMar wax laga weydiiyey khilaafkii ganacsi ee u dhexeeyey dalkiisa iyo shirkadda DP World waxa uu sheegay in weli dacwaddii arrintaas la xidhiidhay ay ka socoto maxkamadda London, lagana yaabo in ay dhaqso uga bilaabato dalka Maraykanka. Waxaa se uu DP World ku eedeeyey in ay ka madax-adaygayso in ay la fadhiisato dawladda Jabbuuti si ay uga wada-hadlaan arrintan, “Lacag dooni maayaan, waayo lacag badan ayaa ay haystaan. Waxa ay doonayaan waa in kootadii hore oo kale dib loogu soo celiyo” ayaa uu yidhi Madaxweyne Geelle.

Isaga oo ku eedeeyey in uu u qarsoon yahay qorshe siyaasad-dhuleed oo ah in ay gacanta ku wada dhigaan dhammaan dekedaha gobalka. Waxaaanu wacad ku maray in Jabbuuti aanay ka mid noqon doonin shaxda ay dhigteen, dibna ugu noqon doonin heshiiskii hore u jiray.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo wax laga weydiiyey ururka Alshabaab ayaa sheegay in aan weli lagu guulaysan in xididdada loo siibo hoggamiyeyaashii Al-shabaab, taas oo uu tilmaamay in ay waajib tahay in la sameeyo, si wax looga qabto Al-shabaab oo uu sheegay in ay isku fidisay gacan ku hayntii dhaqaalaha, illaa heer ay gaadhay in ay noqoto nooc maafiya ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha oo ka sii warramaya ururka Al-shabaab waxa uu sheegay in Al-shabaab ay xitaa Cashuur ka qaaddo Kontiinarrada ka soo dega dekedda Muqdisho, “Kontiinarro faro kutiris ah ayaa ka baxsada; waa ay cashuuraan, Baad bay ka qaadaan, waxna way marsadaan. Waxaa waxaas oo dhan ka sii daran in ay bi’inayaan masuuliyiinta” ayaa uu yidhi, isaga oo intaas ku daray in Al-shabaab ay ciidamadeeda ka qorato xeryaha qaxoontiga iyada oo dhalinyarada bilaa shaqada ah siinaya cunto, ka dibna ku shubaya afkaartooda, tababaro iyo hubna siinaya.

Madaxweyne Geelle waxa uu sheegay in uu ka cabsi qabo in Al-shabaab ay ku guulaysato in ay ka mid noqoto baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya, “Doorashadii sharci-dejinta ee Soomaaliya waxaa loo muddeeyey sannadka 2021 ka. Waxaaan ka cabsi qabaa in aynu ku dambayno baarlamaan ay Al-shabaab si dadban u maamusho, waayo? waxa ay iibsan doonaan taageerada xildhibaannada” ayaa uu yidhi Madaxweyne Geelle oo intaas ku daray in aanay jirin maalin ay Al-shabaab maanta kaga khatar badan tahay gobalka oo dhan.

@Geeska Afrika Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories