HomeMadaxweyne Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Casri Ah Oo Loo hirgeliyey...

Madaxweyne Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Casri Ah Oo Loo hirgeliyey Guddida Qandaraasyada Qaranka Iyo Hay’adda U-diyaargarowga Aafooyinka (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo xukuumaddu u dhistay guddida qandaraasyada qaranka iyo hay’adda  U diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka.

blankUgu horrayn waxa uu madaxweynuhu saaka xadhigga ka jaray dhisme casri ah oo loo bineeyey guddida qandaraasyada qaranka, waxana munaasibadda xadhig-ka-jarista hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha guddidaas, Mudane Nuux Maxamed Xuseen, isaga oo madaxweynaha uga warbixiyey dedaalka qaranku geliyey inay guddidaasi yeelato dhisme gaar ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadalka qaatay, ayaa si mug leh u ammaanay  hawsha ay guddida qandaraasyada qaranku bulshada u hayaan iyo sida daah-furnaanta leh ee ay bulshada ugu adeegaan, isaga oo xusay inuu madaxweyne ahaan la dhacsan yahay shaqada guddidaas iyo adeegga ay bixiyaanba.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah iyo bakhaar keydka Raashinka loogu talo galay oo loo dhisay hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, waxana xarunta kusoo dhaweeyey shaqaalaha hay’addaas oo uu horkacayo guddoomiye Faysal Cali Sheekh.

Madaxweynuhu waxa kormeeray dhismayaasha cusub  iyo Bakhaarka keydka Raashinka ee loo dhisay hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka qaranka, kadibna waxa uu xidhigga ka jaray dhismayaashaas xukuumaddu hirgelisay.

Guddoomiyaha Hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, Mudane  Faysal Cali Sheekh oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay hay’addaasi qaranka u leedahay iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee ay ka qaadatay masiibadii SAGAR ee dhawaan ka dhacday gobollo kamid ah dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ka hay’ad ahaan xil weyn iska saareen sidii loo heli lahaa keyd Raashin oo qaranku kaga bixi karo  xaaladaha adag ee soo waajaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka qaranka iyo Keydka Raashinka, waxana uu bulshada usoo jeediyey inay garab galaan, “Waxannu hambalyeynaynayaa oo ku ammaanaynaa hawsha ay qaranka u qabteen hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, dad isku tashaday oo midoobay uun baa ka hortegi kara Aafooyinka iyo dhibaatooyinka, dad tafaraaruq ah oo is wada khilaafsani meel gaadhi maayo, hay’addanina waannu ugu mahadnaqaynaa keydka yar ee ay sameeyeen, dhulka ay beereenna dedaalkoodu ma yara oo in lala shaqeeyo ayey u baahan yihiin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Daawo Sawirrada Xafladihii uu maanta Xadhigga kaga jiray Dhismeyaasha loo hirgeliyey labada hay’adood

blank blank blank

blank
6

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default

blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories