HomeMadaxweyne Biixi oo War Cusub oo ka soo saaray Garoonka Diyaaradaha ee...

Madaxweyne Biixi oo War Cusub oo ka soo saaray Garoonka Diyaaradaha ee Berbera “Waxba Iska beddelin heshiiskii…”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaanay waxba iska beddelin heshiis 25 Sanno ah oo Dowladda Somaliland la gashay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo dhigayey Dib-u-dhis iyo Casriyeyn lagu samaynayo Dekedda Berbera iyo Madaarka magaalada Berbera oo laga dhigayo saldhig-milatari ee dalka Imaaraadku ka samaysanayo.

Hadalka Madaxweyne Biixi, ayaa ka dambeeyey kaddib hadal uu shalay magaalada Berbera ka sheegay inay xukuumaad ahaan gacantooda ku soo celiyeen garoonka diyaaradaha ee Berbera, hadalkaas oo micnihiisu u dhignaa in garoonka Berbera noqonayo garoon ay isticmaalaan diyaaradaha shacabka ahi kaddib dib u dhis iyo casriyn lagu samayn doono. Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay inay dhowaan imanayso shirkadda dhisaysay garoonka isla markaana la samayn doono Terminal ay ka duullaan diyaaradaha shacabku. Balse waxa loo qaatay loona tarjuntay hadalkiisa in xukuumaddu ka noqotay heshiiskaas.

Madaxweynaha Somaliland oo maanta hadal ka jeediyey Xaflad loo qabtay qalin-jabinta dufacaddii 9aad ee ka baxda jaamacadda magaalada Burco, waxa uu sheegay inaanay waxba iska beddelin heshiiska saldhigga Milatari ee dowladda Imaaraadku ka samaysatay Garoonka diyaaraha ee Berbera isla markaana uu imika dhammaystiran yahay oo ciidamadu isticmaali doonaan, balse sidoo kale garoonka lagu soo kordhinayo Terminal ay isticmaalaan diyaaradaha shacabka, isla markaana labadooduba ay iska barbar-shaqayn doonaan.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Madaxweynuhu ka jeediyey Jaamacadda Magaalada Burco

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net
somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories