HomeMadaxweyne Biixi oo Walaac ka muujiyey Heerka Xannuunka Covid-19 ee gudaha Somaliland,...

Madaxweyne Biixi oo Walaac ka muujiyey Heerka Xannuunka Covid-19 ee gudaha Somaliland, Shacabka baaq u jeediyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa walaac ka muujiyey heerka uu xannuunka Covid-19 ka marayo Somaliland, isagoo xusay in maadaama dad u geeriyoodeen xannuunkan ay suurta-gal tahay in tirada dadka uu asiibay ka badan karto xogta cudurkan ku saabsan ee ilaa immika la xaqiijiyey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ayaa ugu horrayn shaaciyey inay is beddeshay xaaladda xanuunka COVID-19 ee dalka, islamarkaana shacabka looga baahan yahay inay feejignaan gaar ah galaan, una diyaar garoobaan xaaladda cusub ee soo korodhay.

blank“Qof kasta oo I maqlayaaba waa inuu maskaxdiisa sidii hore wax ka beddelo, waayo waxa ina soo galay col aanad arkaynin oo hubkiisa aanad arkaynin oo diyaaradaha wax garaaca iyo taangiga iyo qoriga iyo xabbaddaba ka kulul oo ka dheeraynaya oo ka saamayn badan, wuxuuna la mid yahay dabka ka kaca kaymaha ee markuu soo bilaabma wax walba jiidha,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in xanuunku gaadhay heer loogu geeriyoodo gudaha Somaliland, filashaduna tahay in tirada uu asiibaa sii badato marka la qabyo tiro agabka baadhista covid-19 oo la filayo inuu dhawaan bilaabo shaqadiisa, “Waxaynu haynaa dhimasho, waxaynu haynaa inuu xanuunkii ina dhex galay, waxa kale oo ay imika dhakhaatiirtu ii sheegayeen haddii aad hesho qof uu cudurku saameeyey konton kale ayaa jira ee doon, waana qaaciido , ilaa laba cisho gudahoodna waxa shaqaynaya baadhistii oo halkan lagu samayn doono, marka baadhistaas la bilaabona waan hubaa inay tiro badani soo baxayso oo ah inuu cudurkii inagu dhex jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay dedaalka xukuumaddu midho-dhal noqon karo oo kaliya marka ay shacabka u dhego-nuglaadaan waanooyinka xukuumadda, islamarkaana aan marnaba guul lagu gaadhi Karin muquunin iyo xoog, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dawladdu waxa ay wax qabataa marka uu dadku maqlayo waxa loo sheego, kuna toosin kari mayso haddii uu dhakhtarkii ku yidhi waxaas waad ku dhimanaysaaye ka joog oo aad tidhaahdo aan ku dhinto miyaanu la mid ahayn nin yidhi maanta waan is deldelayaaye I daa, markaa inaynu is waannino oo aynu maskaxda beddelno mooyaane xoog isku muquunin kari mayno.”

Arrinta joojinta qaadka iyo dhibaatooyinka ka dhashay ayuu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay, waxana uu u qaadan waa ku tilmaamay in qaybo badan oo bulshada kamid ahi u tago xaydato inay dalka kusoo geliyaan sifo sharci-darro ah, “Waan filaayey kootarabaan iyo dad iyagu qaadka eryada, laakiin maan filaynin in boqolkiiba soddon (30%) dad mujtamaca kamid ahi ay mar qudha u dhaqaaqaan xaggee qaad yaallaa, mid gaadhi leh iyo mid lug ahba, waana mushkilad kale oo inagu soo korodhay oo inaynnu dadkeenna ka badbaadino ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq cilmiyeysan u diray culaamu’diinka iyo dadka gacanta ku haya masaajiddada kala duwan ee dalka, waxana uu ugu baaqay inay xil iska saaraan badbaadada bulshada iyo kala dheeraantooda inta lagu jiro xaaladda xanuunka covid-19, waxana uu yidhi, “Culimadu waxay isku raacsan yihiin in Bani’aadamka caafimaadkiisa la daryeello si loo helo Bani’aadam cibaadaysta, haddii uu dadkiiba dhammaado yaa cibaadaysanaya, soo Muslimkiina daciif noqon maayaan, dadkii diinta xambaarayeyna daciif noqon maayaan, diintu waxa ugu horreeya ee ay daryeeshaa waa qofka Bani’aadamka ah ee Ilaahay khaliifka uga dhigay inaad ilaaliso caqligiisa iyo caafimaadkiisa, haddii dhakhaatiirkii Muslimka ahayd ee dalka kula deggenaa isku raaceen inuu xanuunkani ku faafayo masaajidka haddii jamaca lagu soo ururo, markaad leedahay joojin maayo adigu ma dhakhtarkii baad tahay, ma waxyi gaar ah baad haysataa, mise dadka inaad isku laysaa baad u badheedhaysaa.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray, “Dadka xanuunka laga helay imaamyo masaajiddada ka akhriyey tafsiir baa kamid ah, tabliiq baa kamid ah, geel jiraa kamid ah, waxa lagu badbaadayaa hallays ilaaliyo, culimadana waxan leeyahay waar yeynaan ku murmin wax aynu isla oggollahay oo ah Bani’aadamka halla nabadgelyo, diintana sideeda dadka halloo baro, laakiin dadka caafimaadkoodii idinku masuul kama tihidine dhakhaatiirtaa ka masuul ah oo aynnu dhegaysanaynaa.”

blankUgu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si furan uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen weriyayaashii kala duwanaa ee munaasibadda ku sugnaa, isaga oo sidoo kale warbaahinta ku hambalyeeyey maalinta saxaafadda qaranka Somaliland oo maanta ku beegan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories