HomeMadaxweyne Biixi oo si adag uga hadlay Khataraha Shilalka Gaadiidka iyo Amarro...

Madaxweyne Biixi oo si adag uga hadlay Khataraha Shilalka Gaadiidka iyo Amarro uu faray Hay’adaha ku shaqada leh ee Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray Ehelka, qaraabada iyo Asxaabta ay ka baxeen 7 Qof oo maanta ku geeriyooday Shil-baabuur

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay shilalka gaadiidka oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanaya dalka kuwaas oo khasaare naf iyo maalba leh u keena bulshada.

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa ka dambeeyey kaddib markii shalay iyo maanta ay shilal gaadiid ku geeriyoodeen dad tiradoodu gaadhayso ilaa 10 qof halka tobanaan kalena ku dhaawacmeen. Shilalka ayaa ka dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

blank

Mudane Biixi waxa uu tacsi u diray ehelka iyo qaraabada ay ka baxeen todoba qof oo ku geeriyooday Shil maanta ka dhacay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera kaddib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo midkood yahay Bas ay saarnaayeen dad shacab ah halka gaadhiga kalena yahay nooca xamuulka qaada.

 

Sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha, Md Muuse Biixi waxa uu waxa uu faray hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh inay ku tallaabsadaan sidii loo xakayn lahaa shilalka gaadiidka oo inta badan marka laga yimaaddo qaddarka Allah ay sababaan aqoon-darrada Darawallada iyo Jidadka oo tayadoodu aanay wanaagsanayn.

 

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa u qornaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee dhammaan Marxuumiinta ku geeriyooday shil baabuur oo sababay dhimashada todoba ruux (7 qof) kuna dhaawacmeen afar ruux, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ah Bas rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Dalmar iyo gaadhi weyn oo ah nooca loo yaqaano candha-maydle. Shilkaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa Lafa-ruug iyo xamaas ee gobolka saaxil maanta oo ay taariikhdu tahay 07-05-2019 .

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu ku adkaynayaa mulkiilayaasha gaadiidka, shirkadaha gaadiidka ee gobolada isaga goosha, iyo wadayaasha gaadiidku inay u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka iyo waddo-marista muujiyaana masuuliyada nafaha  muwaadiniinta ay qaadan iyo ilaalinta maalka gaadiidka.

Madaxweynuhu wuxuu wax laga damqado ku tilmamay halista iyo khataraha soo noq-noqday ee shilalka gaadiidku sababeen oo khasaare naf iyo maalba leh u geystay muwaadinta Jamhuriyada Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, taliyaha ciidanka Booliska iyo laanta nabad-gelyada wadooyinka inay fuliyaan awaamiirta iyo sharciga gaadiidka iyo wadidooda, isla markaana waajibaadkooda ka gutaan cid kasta oo baalmarsan shuruucda wadida gaadiidka  iyo masuuliyada saaran.

Madaxweynuhu wuxuu marxuumiintaas ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxaeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Inta dhaawaca ahna caafimaad sareecana siiyo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories