HomeMadaxweyne Biixi oo Shir la qaatay Badhasaabbada iyo Maayarrada Dalka iyo Arrimaha...

Madaxweyne Biixi oo Shir la qaatay Badhasaabbada iyo Maayarrada Dalka iyo Arrimaha uu kala hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan loogu diyaargaroobayo, laguna dardargelinayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee badhtamaha sannadkan qorshaysan la qaatay badhasaabadda iyo maayarrada degmooyinka kala duwan ee dalka.

blankKulankan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay qayb ka ahaayeen madaxda wasaaradda arrimaha guduhu, ayuu madaxweynuhu ku daah-furay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa muhiimadda ay leedahay in xukuumaddu ka diyaar garowdo doorashooyinka soo socda, shuruucda doorashooyinka loo dhigayna ku ilaaliso cid kasta oo masuuliyad ummadeed haysa, damacna kaga jiro inay mar kale isa soo sharraxdo.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn shaaciyey in qaranku gelayo doorasho uu dhaqaaleheeda iyo fikirkeedaba u madax-bannaan tahay oo ay ku filnaatay, islamarkaana baahi badan loo qabo in wada-jir looga wada hawlgalo abuurista jawi ku habboon in doorashooyin hufani dalka ka qabsoomaan.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay inay xukuumadda dhexe ka go’an tahay sidii ay hantida qaranka uga ilaalin lahayd in loo isticmaalo ololeyaasha doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, maayarrada sharraxanina ay ula sinnaan lahaayeen murrashixiinta kale ee aan gacanta ku haynin xil qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxa inagu waajib ah haddii aynnu dawladda dhexe nahay inaynu ka ilaalino qofka doorashada gelayaa wixii qaranka inuu u isticmaalo qof kale, markaa ninkii tartanka gelayaa ama maayar ha ahaado ama Baarlamaan ha ahaadee mar haddii uu doorasho gelayo wuxuu la sinmayaa walaalladiisaa uu doorashada la gelaayo, xagga awoodda hantida iyo awooddii uu lahaaba.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xaaladda kala-guurka ah ee la gelayo xilligan doorashooyinku soo socdaan, ay badhasaabadda gobolladu masuul ka noqon doonaan ilaalinta shuruucda doorashooyinka iyo dhawrista xuquuqda murrashixiinta,“Mar haddii kala-guur la gelaayo masuuliyadda koowaad dawladda dhexe ayey saaran tahay, markaa waxa la rabaa ninkii murrashaxa ahaa haddii uu Baarlamankii yahay iyo haddii uu dawladihii hoose yahay, laba xaq baa lagu leeyahoo isaga in xaqiisa la ilaaliyo, isaguna ninkii awood hayey marka uu murashax yahay inuu awooddii ula sinnaado kuwa kale, dawladda dhexaana laga rabaa inay taas ku ilaaliso, gobollada waxa ka wakiil ah badhasaabadda,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blankMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu baaqay cid kasta oo hunguri ka hayo inay isu sharraxdo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka inay xil weyn iska saarto ilaalinta shuruucda doorashooyinka, amniga iyo wada-jirka bulshadana dhawraan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories