HomeMadaxweyne Biixi oo Sharxay Qodobbo uu hordhigay, kana wada-hadleen Madaxweynaha Kenya

Madaxweyne Biixi oo Sharxay Qodobbo uu hordhigay, kana wada-hadleen Madaxweynaha Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha uu kala hadlay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenya oo ay shalay iyo maantaba kulan ku yeesheen qasriga madaxtooyada ee dalkaas.

Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey munaasibad casho-sharaf ah oo Raysal-wasaarihii hore ee dalka Kenya Rail Odinga, waxa uu ugu horeyn madaxweynaha Kenya uga mahad-celiyey marti-qaadka uu u fidiyey oo uu ku tilmaamay mid ka  tarjumaya xidhiidh soo-jireen ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

blank“Ugu horayn waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya His Excellency Uhuru Kenyatta, marti-qaadkii uu u fidiyey aniga iyo waftiga ila socda, oo ka turjumaaya taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Kenya iyo mustaqbal wanaaga ay labada dal doonayaan inay ka wada tashadaan oo uu ka turjumaayo marti-qaadkaasi.

Aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa shacabka Kenya madaxda, Dawladda Madaxweynaha iyo waayo arragga siyaasiga ah e ee Raisal Wasaarihii hore ee Kenya imikana ah u qeyb sanaha midowga Africa u qaabilsan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo runtii abaal weyn ku leh Somaliland, fagaare walbana si badheedha uga taageera qaddiyada Somaliland dhammantoodba waan u mahadnaqayaa.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaan u mahadnaqayaa caawa His Excellency Raila Odinga Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya oo nagu marti-qaaday cashadan inuu sameeyo oo dadkan isugu yeeshay, xaflada halkan nagu casuumayna waa taariikh gaara oo aanu aad iyo aad uga mahadnaqayno inta kasoo qeyb gashayna waan u mahadnaqayaa dhammaantood.

Waxaan ku darayaa mahadnaqa waftigii noogu yimi Somaliland ee uu hoggaaminayey Xildhibaan Maxamed iyo waftigii la socday sidii cadayd ee ay noogu warameen heerka ay ka taagan tahay Kenya in mustaqbalka Somaliland iyo Kenya wax wada qabsadaan oo ay xagga wanaaga nabada iyo horumarka u dhaqaaqaan, iyagoo leh taariikh iyo nidaam isku mid ah oo hore u jiray inuu ka dhaxeeyey Manhajka waxbarashada, sharciga luuqada ay wax ku baranayaan iyo dhaqan ahaanba ay ka midaysnaayeen in maantana mustaqbalka dib loo wada qaado aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa gaar ahaan Xildhibaan Maxamed hawshaa uu ka geystay isu soo dhaweynta labada dalna waan ka mahadnaqaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo ka hadlayey arrimaha uu hordhigay ee ay ka wada-hadleen madaxweynaha Kenya, waxa uu yidhi, “Wada hadalkayagii Madaxweynaha Kenya waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inuu ahaa mid run aanu isu sheegnay , xaaladaha si waaqici ah u eegnay labadayada dal dantooda, danta Geeska Africa iyo dhibaatooyinka jira sida loo xalinaayo iyo mustaqbalka inaanu noqono madax African ah oo dalkooda mustaqbalka uga fikirta sidii ay u gaadhi lahaayeen Caalamka ee ay dhibaatada uga bixi lahaayeen, waxaanu isla taabanay Afrikada bari in shanta qeybood ee Africa inay iyadu ugu shaqaaqo badan tahay oo ay ugu dagaalo badan tahay oo sidaa darteed dhalinyaradeedu ugu shaqo la’aan badan tahay oo dhibaatooyinku aad ugu badan yihiin, waxaa nasiib wanaaga Kenya iyadu Geeska Africa noqonayso ta ugu nasiib badan ee horumar samaysay intay xorta ahayd dhaqaale ahaan, aqoon ahaan, siyaasad ahaan dalka qudha ee intuu uu xorta ahaa aanu ka dhicin inqilaab milateri, mid baa mar laysku dayey wuu fashilmay taasi ayaa horumarisay, iyada iyo Jabuuti uun baa ka nabad-galay, labaduba waxay sameeyeen dhaqaale iyo deganaansho horumaray.”

“Haddii ilaahay yidhaahdo Somaliland waxaanu doonaynaa mustaqbalka danbe inay waligeed nabad ahaato, qalalaase siyaasadeed aanu ka dhicin dhibaatadii aanu xalino si aanu u gudno wakhtigii naga lumay oo aanu mustaqbal deg deg ah u samayno, inaanu waayo aragaa Kenya leedahay iska kaashano oo aanu horumar u wada samayno dhinaca dhaqaalaha, diblumaasiyada, amniga iyo wax wada qabsiga guud ahaan rajana waxaan ku qabaa dhawaan muddo gaaban dhexdeed in la arki doono midhaha shirkaasi kasoo baxa haddii Alle yidhaahdo.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories