HomeMadaxweyne Biixi oo shaaciyey sababo ka hor-taagan inuu Haweenka siiyo Sedkii ay...

Madaxweyne Biixi oo shaaciyey sababo ka hor-taagan inuu Haweenka siiyo Sedkii ay Xukuumaddiisa ku lahaayeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay xukuumaddiisu difaacayso Xorriyadda iyo Ganacsiyada ay leeyihiin haweenka reer Somaliland oo uu sheegay inuu garab taagan yahay.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in dumarku ku dulman yihiin dhaqanka Soomaalida, madaxweyne ahaanna uu awoodi kari waayey inuu xukuumaddiisa ka siiyo saamigii ay ku lahaayeen cadaadis xagga bulshada ka jira awgeed.

”Dumarku way ku dulmanyihin marka aynu wax maamulayno, dhaqankeenu wali hablaha wuu riixayaa, sedkii ay ku lahaayeen xukuumaddayda waan ka siin kari waayay waayo umadda ayaa igaga hortimid, qaar badan oo is-dhisay oo mutacalimiin ah ayaa jooga oo mudnaanta ragga la siiyo, lama siiyo,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey munaasibad qalin-jebin ah oo loo qabtay arday ka aflaxday Jaamacadda Edna Adan University ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inay jiraan haween badan oo dedaalay, kuwaas oo uu sheegay inuu ku garab-istaagayo dedaalka ay muujiyeen oo tusaale ugu soo qaatay Dr Edna Aadan Ismaaciil, waxaanu yidhi, “Waxa soo baxay hablo badan oo reer Somaliland ah oo mashruucyo badan oo ganacsigu ka mid yahay samaystay, waxa soo baxday oo la dareemayaa in uu raggu hablaha ka garbinayo xataa in ay soo galaan baayac-mushtarka. Halkan waxaan u imid in aan isgarab taago oo waajibku ifarayo oo dastuurku i farayo”.

“Hablaha iyo raggu way u siman yihiin sharciga, caafimaadka, baayacmushtarka, tacliinta iyo xorriyadda. Hadday danbi galaan, qaranka ayaa xaq u leh in uu qabto, sida inanku danbi u galo ayuunbay inantuna u gali kartaa, maaha nin suuqa jooga in uu yidhaahdo anigaa danbiga ka jaranaya; oo raggaba kuma dhacee, ma hablaha loosoo qoslayaa?! Waar hablaha waan difaacaynaa,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories