HomeMadaxweyne Biixi oo Qaabilay Arday Waxbarasho dibadeed soo dhammaysatay (SAWIRRO)

Madaxweyne Biixi oo Qaabilay Arday Waxbarasho dibadeed soo dhammaysatay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay qaar kamida Ardaydii ka baxday Dugsiga Abaarso, kuwaasoo hadda wax kusoo bartay qaar kamida Jaamacadaha Waddamada dibada sida Canada, USA iyo qaar kamida dalalka Yurub.

Kullankan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Abokor Maxamed iyo qaar kamida Maamulka Dugsiga Abaarso.

blankDhammaan masuuliyiintaasi waxay Ardayda kusoo dhaweeyeen Waddankooda Hooyo, waxaana ay u sheegeen inay wax ku yihiin Waddankooda sidoo kalena waxay uga mahad naqeen lasoo noqoshada Cilmigooda ay doonayaan inay dalkooda ku anfacayaan islamarkaana hadda looga baahan yahay Tacab badan inay dalka geliyaan.

Dhalinyaradan wax kusoo baratay Waddamada horumaray ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan horumarka waddankooda, islamarkaana ay qaranka gelin doonaan aqoontii ay soo barteen una heelan yihiin wax u qabashada Bulshahooda Somaliland, Jaamacadaha ardaydani kasoo baxeen oo ay kamid yihiin: Earth University, TCU, West Med College – Merced, California, African Leadership University.

Qaar kamida Ardayda ayaa ka sheekeeyey marxaladihii ay kusoo mareen waddamadii ay wax kusoo barteen waxaana hadalkooda ka mid ahaa “Kulligayo markaanu halkan ka tagnay Safiiro ayaanu ahayn oo waxaanu u maqnayn Waddankayaga Dhammaan Jaamacadihii iyo Iskuuladii aanu aadanay waxa aanu ka taagnay Calankeena Jamhuuuriyadda Somaliland Madaxweyne imika ku yaalla, midkastaaba isagoo ka taagan ayaanu ka nimi, iyada oo aan Somaliland laga aqoonina waanu tagnay, cidkasta oo na dhegaysanaysa oo wax naga maqlaysa Somaliland waanu u sheegi jirnay, haddii Calan naloo taagayo inaan ka Somaliland mid aan ahayn naloo taagaynin waan u sheegi jirnay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu danbayntii dardaaran u jeediyey Ardayda kusoo laabtay Waddankooda islamarkaana wax usoo bartay waxaana uu yidhi “Marka hore iskuulka annigu dadka oggol baan ahay oo ma dhegaysto dadkan dacaayada ku hadlaya, markaa dadka aasaasay ee meesha tegay dadkii aan annigu kuba dayanayey ee aan iska hor marinaayey ayaa caruurtoodii geeyey, markaa sabab Iskuulkan loo yidhaahdo waa laydin caayey oo cidd looga dhegaystaa ma jirto, Waxaan leeyahay aan samayno habkii aan isu kaashan lahayn, sidii loo wada shaqayn lahaa ee idinkana wixii laydinla qaban karo laydiinla qaban lahaa iddina baahida dalka aad wax uga qaban lahaydeen.

Ugu Danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu Ardayda ku booriyey inay kusoo dhawaadaan Waddankooda iyo Qasriga Madaxtooyada una sheegay inuu diyaar u yahay Talladooda iyo tusaalahooda si horumar loo gaadho “Halkana waa meeshiini waad iman kartaan waad ka talin kartaan warkiinu waa isoo gaadhayaa, aad iyo aad baan idiinku mahadnaqayaa, sidaa aan u wada shaqayno, waan rajaynayaa inaan tallaabo wada qaadi karno, shaqo qarana qaranku waa idiin diyaar meelo badan”.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories