HomeMadaxweyne Biixi oo Qaabilay Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka

Madaxweyne Biixi oo Qaabilay Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC, Dr. Halit Eren.

Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa ah Ururka labaad ee ugu weyn ee kulmiya dowladaha caalamka waxaana xubno ka ah 57 dal oo ku kala yaalla Afar Qaaradood. Waxa ka horreeya oo kaliya Ururka Qaramada Midoobay. Sannadkii 1969-kii ayaa ururka lagu aasaasay shirweyne ku qabsoomay Dalka Marocco, go’aankaas oo ka dhashay weerar sannadkaas lagu qaaday Masjidka barakaysan Al-Aqsa ee magaalada Quddus.

madaxweynaha iyo ururka (1)

Haddaba, Masuulkan oo noqonaya xubintii ugu sarreysay ururka Islaamka ee Socdaal ku yimaadda Somaliland, waxa Kulanka madaxweynuhu la qaatay lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha hawlaha horumarineed ee taariikhda islaamka iyo dhaqanka oo ay qaabilsan tahay IRCICA, waxaanu madaxweynuhu sharaxaad ka siiyey taariikhda iyo dhaqanka dalka Somaliland.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxxweynaha, waxa kulankaasi lagu lafo guray sidii dhismeyaal iyo dayactir loogu samayn lahaa goobaha taariikhda qadiimiga ah ee dalka Somaliland, khaasatan masjidka qiblataynka ee magaalo xeebeedka saylac iyo goobaha kale asaarta qadiimiga ah ee Somaliland caanka ku tahay.

  

Warku waxa uu intaas ku daray in Agaasimaha Xaruntu uu  madaxweynaha uga mahadnaqay soo-dhaweynta iyo kulanka uu ku qaabilay, isla markaana uu ku amaanay Somaliland siday u ilaashatay taariikhda iyo aasaarta qadiimiga ah ee dalka, isagoo sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland, ka mid tahay wadamada taariikhda islaanku ku duugan tahay, imaantinkooduna daaran yahay sidii qorshahoodu qayb uga noqon lahaa baadigoobka taariikhda Islaamka.

 madaxweynaha iyo ururka (2)

Madaxweyne Muuse Biixi waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada wasaaraddaha  Diinta iyo Aw qaafta, Ganacsiga, Wershedaha iyo dalxiiska & agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

 

Halka Dhinaca kale uu ku wehelinayey Wakiilka Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo ku xigeenkiisa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories