HomeMadaxweyne Biixi oo lagu soo dhaweeyey Berbera iyo Tirada Mashaariic uu Xadhigga...

Madaxweyne Biixi oo lagu soo dhaweeyey Berbera iyo Tirada Mashaariic uu Xadhigga ka jaray

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo saaka ka amba baxay caasimadda Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh-ahayn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera iyo guud ahaanba deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxa deegaanka Cumar ku-joog ku qaabilay madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, waxana intaas kaddib soo dhaweyn diirran oo aan loo kala hadhin ay kala kulmeen bulshada ku dhaqan deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal, Xammaas iyo magaalooyin kale oo ku yaalla inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaantaroolka galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu socod lug ah shaaracyada magaalada kula Soo maray shacabkii soo dhaweeyey.

Intaas kaddib, madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu waxa ay kormeer ku tageen marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu si xawli ah u socoto, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo hawl-wadeennada dekedda Berbera, isaga oo madaxweynuhu xadhigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo dekedda loo soo iibiyey.

Maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo hormuud u ahaa madaxdii madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweysay gudaha dekedda Berbera, ayaa si kooban uga warbixiyey dedaallada ay maamul ahaan ugu jiraan horumarinta dekedda iyagoo fulinay siyaasadda madaxweynaha ay isaga xil saareen inay dekeddu hesho dhammaanba adeegyada Aas-Aasiga u ah shaqada ballaadhan ee ay dekeddu gobolka u hayso.

Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta la hadlay, ayaa shacabka iyo maamulka gobolka iyo degmada Berbera uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, waxana uu ka warbixiyey ujeeddada uu safarka madaxweynuhu daarran yahay, waxana uu yidhi,“Ujeeddada safarka madaxweynuhu waxa ay daarran tahay inuu xog-ogaal u noqdo xaaladda guud ee gobollada iyo degmooyinka dalka, inuu dardargeliyo shaqooyinka kala duwan ee gobollada ka socdo, islamarkaana uu uu kormeero oo xaqoojiyo mashaariicda horumarineed ee gobollada iyo degmooyinka ka socda.”

 

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories