HomeMadaxweyne Biixi oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah Arday Ka Qalin-jabisay...

Madaxweyne Biixi oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah Arday Ka Qalin-jabisay Dugsiga Abaarso iyo Maamulkooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah ardaydii ka qalin-jabisay dugsiga ABAARSO, macallimiinta iyo xubnaha guddida waalidiinta dugsigaas.

099A0457Kulankan oo maanta ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey  wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faro-toon), la-taliyaha madaxweynaha  ee arrimaha Tignoolojiyadda Mudane, Ibraahim Daahir Dubbad iyo Marwo Amaal Xaaji Axmed Yaasiin oo ah la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca Haweenka, xildhibaanno, xubno kamid  guddida waalidiinta dugsigaas, iyada oo halkaas madaxweynaha lagu siiyey war-bixin si qoto dheer u taabanaysa waayaha dugsiga, guulaha ay jaamacadaha dibadda kasoo hooyeen ardaydii kasoo baxday oo intooda badani dalka kusoo guryo noqdeen.

biixi (2)Xubno kamid ah saraakiisha sarsare ee dugsiga oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday tayada dugsiga iyo guulaha ardaydii kasoo baxday kasoo hooyeen jaamacadaha dibadda ee ay waxbarashada u tageen, waxana ay shaaciyeen in tiro badan oo arday oo hore dugsigan uga baxay ay derejooyin sare ka keeneen jaamacadaha ugu magaca weyn adduunka oo ay waxbarasho ka heleen.

Xamse Faysal Caabbi iyo Ubax Cabdi Cali oo kamid ah ardaydii hore ugu baxday Dugsiga Abaarso oo waqtigan waxbarasho ugu jira jaamacadaha dibadda, ayaa iyaguna hoosta ka xarriiqay inay aqoon iyo cilmi noloshooda  saamayn ku yeeshay ka barteen dugsigaas, iyaga oo arday kasta oo waxbarasho dibadeeda u baxana ka codsaday in wixii uu soo bartay uu dadkiisa iyo dalkiisa dib ugula soo noqdo.

biixi (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii kulanka hadal kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadceliyey maamulka, ardayda, waalidiinta iyo guddida dugsiga Abaarso, waxana uu sheegay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin inay si buuxda u garab taagan yihiin dugsigaas, maadaama uu soo saarayo  arday aqooddooda aqooneed ku muujiyey jaamacadaha dibadda ay ay tagaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ardayda waxan ku hambalyeynayaa dhibcaha wanaagsan ee ay keenaan marka ay jaamacadaha dibadda tagaan iyo sharafta ay soo hooyaan, waddada ay guusha u marayaan, sida ay u dedaaleen, dhibaatooyinka ay arday ahaan marayaan iyo halka ay ka gaadheen ee ah jaamacadaha ugu waaweyn adduunkana aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa, Dugsiga Abaarso iyo maamulkooda si mug leh baanu ula shaqaynaynaa dhinac walba.”

Dugsiga Abaarso oo ku yaalla duleedka magaalada Abaarso oo dhinaca galbeedka kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxaa wax ka barta Arday tiro badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo marka ay dhammaystaan waxbarasho ka hela jaamacadaha ugu magaca weyn dunida ee ay kamidka yihiin  YALE,  Connecticut  Massachusetts( MA), HARDVARD, COLOMBIA New York(NY), BROWN, Rhode Island iyo Amherst, waxana ardaydan uu madaxweynuhu la kulmay ay isugu jiraan kuwo  soo qalin jabiyey oo dalka kusoo laabtay, qaar waxbarashadoodii ku dhex jira iyo kuwo haatan waxbarasho u baxaya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories