HomeMadaxweyne Biixi oo ka hadlay Doorkii uu Dib-u-dhiska dalka ka soo qaatay...

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Doorkii uu Dib-u-dhiska dalka ka soo qaatay Maayarkii hore ee Hargeysa Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo geeriyooday iyo Waxqabadka lagu xusuusto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqsiyada iyo doorkii siyaasadeed iyo Wax-qabad ee uu dalka ka soo gaystay Allah u naxariistee Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

blankMadaxweynuhu waxa uu shacabka Somaliland, ehelka iyo qaraabada ka tacsiyadeeyey Geerida ku timi Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu caasimadda Hargeysa kaga tagay Astaamo ma-guuraan ah.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u diray waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka dalka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 28/12/2019 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray door muhiima ku lahaa, qayb-weyna ka qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, markii danbena noqday maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu kaga tegay taariikh iyo astaamo ma guuraana muddadii uu xilka hayey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaa waxa lagu sheegay war qoraal kooban oo ka soo baxay afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

Allah ah naxariistee, marxuumka ayaa maalinta Berri ah aas Qaran loogu samayn doonaa Magaalada Hargeysa, iyadoo aaskiisa uu ka qayb-gali doono Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Maxaa lagu xusuustaa Waxqabadkii Cawl Cilmi Cabdalle?

Marxuum Cawl Cilmi Cabdalle oo noqday maayarkii 20aad ee Hargeysa yeelato, waxa uu xilka hayey intii u dhaxaysay 2000-2002 xilligaas oo uu xilka ku wareejiyey Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo muddo toban sannadood ah isaguna ahaa Duqa Magaalada kaddib markii Golihii deegaanka ee u horeeyey la doortay sanadkii 2002-kii.

Allah haw naxariistee Marxuum Cawl Cilmi Cabdalle, Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa, in kasta oo waxqabadyadii uu magaalada ka hirgeliyey tira badan yihiin, haddana kuwa ugu muhiimsan ee lagu xusuusto waxa ka mid ah inuu noqday Maayarkii u horreeyey ee Caasimadda dalka ka hirgeliyey Ishaarooyinka ama Nalalka kala haga Baabuurta oo magaalada Hargeysa markii u horeysay taariikhda yeelato labaatan sanno ka hor.

Waxa kale oo lagu xusuustaa inuu faras-magaalaha Hargeysa ka dhex-taagay mid ka mid ah taallooyinka taariikhiga ah ee ku suntan waayihii soo maray shacabka caasimadda. Waa diyaaradda Miigga ah ee ka dhex-taagan barxadda hore ee Kheyriyadii hore ee Caasimadda, taas oo lagu xusuustay inay ahayd mid ka mid ah diyaaradihii dagaalka dowladdii Siyaad Barre ee intay ka soo kacdo garoonka diyaaradaha Hargeysa duqaynaysay ama rushaynaysay shacabka ku dhaqanka caasimadda.

Waxyaabihii kale ee uu qabtay laguna xuso waxa ay ka mid yihiin  Dhismaha Suuqyada waaweyn ee Gobanimo, Waaheen iyo  goobo kale oo muhiim ah oo hada ka mid ah goobaha ugu israraatiijisan.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories