HomeMadaxweyne Biixi oo ka Fal-celiyey Guuxa Wada-hadallada Soomaaliya iyo Madax-dhaqameed Isu-cumaamaday

Madaxweyne Biixi oo ka Fal-celiyey Guuxa Wada-hadallada Soomaaliya iyo Madax-dhaqameed Isu-cumaamaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey inaanay waxba iska beddelin siyaasadda Qaran ee loo jideeyey dhammaystirka muranka siyaasadeed iyo Arrimaha isaga xidhan ee u dhexeeya Soomaaliya oo uu sheegay in tallaabada kaliya ee lagu dhammaystiri karaa tahay wada-hadal dhexmara labada dhinac.

blankMadaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey kulan maanta ku qabsoomay madaxtooyada, waxa uu  jawaab ka bixiyey hadallo ay warbaahinta ka sheegeen qaar ka mid ah madax-dhaqameedka dalka oo soo jeediyey in laga qayb-geliyo wada-hadallada Soomaaliya, waxaanu sheegay in arrintaas tahaay arrin siyaasadeed sidaas awgeed ay masuuliyaddaasi saaran tahay cidda bulshadu u igmatay inay u metelaan aayo-ka-talinta marajaha siyaasadeed ee dalka.

“Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee kusoo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad IGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq”.

Madaxweynuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka dalka, “Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo  suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories