HomeMadaxweyne Biixi oo Ka Digay Faro-gelin Shisheeye oo Xisbiyada iyo Ururrada Somaliland...

Madaxweyne Biixi oo Ka Digay Faro-gelin Shisheeye oo Xisbiyada iyo Ururrada Somaliland ku timaadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad-sannadeedkiiisa dastuuriga ah ka jeediyey Goleyaasha Baarlamaanka, ayaa soo jeediyey in feejignaan dheeraad ah laga yeesho faro-gelin dibadeed oo ku timaadda ururrada iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu soo jeediyey in dhaqaalaha ay helaan xisbiyada iyo ururradu aanu noqon mid ka yimaadda meel kale balse uu ku koobnaado gudaha Somaliland, waxaanu ka digay in gacmo shisheeye oo dano-gaar ah ka leh Somaliland ay saamayn ku yeeshaan Xisbiyada iyo ururrada siyaasadda Somaliland.

Madaxweynaha oo arrintan kaga hadlay Qodobka Shanaad ee Khudbaddiisa oo ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka, waxa uu yidhi, “Somaliland waxa lagu majeertaa Dimuqraadiyad iyo Doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasina waxa ay innooga baahan tahay dhammaystirka tiirar aasaasi u ah, oo ay ugu horreeyaan In doorashooyinku ku qabsoomaan xilligii loo asteeyey;  In Xisbiyada Qaranka oo ah hilinka ay Muwaadiniintu u maraan xaqiijinta hankooda siyaasadeed ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, oo aan marna muddo dhaaf noqon, dhexdoodana ay ka muuqato dimuqraadiyad dhab ah oo ku dhisan mabaa’di iyo siyaasad cad oo qeexaysa qorshaha ay dalka ku horumarin karaan; In dhaqaalaha Xisbigu uu ka yimaado taageerayaasha Xisbiga ee gobol kasta, kana fogaadaan faro-gelin shisheeye.

Haddii faro-gelin shisheeye soo dhex-gasho Xisbiga, waxay khatar ku tahay Qarannimada dalkeena.

Sidaa darteed, waxa daruuri ah dhammaystirka doorashooyinka innoo hadhsan sida Furista Ururrada Siyaasadda oo la gaadhay wakhtigoodii iyo doorashada Madaxtooyada, si waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories