HomeMadaxweyne Biixi oo Isku-shaandheyn Miisaan leh ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Madaxweyne Biixi oo Isku-shaandheyn Miisaan leh ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray Isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Xukuumaddiisa, waxaanu xilalka ka qaaday masuuliyiin ay ku jiraan wasiirro iyo Agaasimayaal halka uu sidoo kale magacaabay wasiirro iyo Agaasimeyaal Cusub.

blank
Madaxweynaha Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xilalkii ka qaaday Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray), Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Cali Xuseen Nuur Beegsi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi, Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf, Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare Xuseen Xaaji Xasan Guuleed, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare Maxamed Xasan Sheekh Muumin.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu magacaabay masuuliyiin ku cusub xukuumaddiisa halka qaarkoodna uu xilal kale u magacaabay.

Md Muuse Biixi Cabdi waxa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda u magacaabay Saleebaan Warsame Guuleed, halka Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska uu u magacaabay Mustafe Godane Cali Bile. Siciid Axmed Jibriil waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga loo magacaabay Axmed Cali Maax Warsame.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Jamaal Cabdi Muuse Diiriye, halka Rooble Cabdi Muuse Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
Masuuliyiinta uu madaxweynuhu magacaabay waxa ku jira dhowr haween ah oo ay ka mid yihiin: Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga iyo Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac Agaasimaha Guud ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Tamarta Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxa loo beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka, halka Agaasimihii hore ee Warfaafinta Mukhtar Maxamed Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu magacaabay Agaasimaha Fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha oo loo dhiibay Cumar Iid Qaloonbi Samatar.

Waxa kale oo madaxweynuhu wareegtadiisa ku sheegay “In laga bilaabo taariikhda maanta aan Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Wasiirka Wsaaradda Horumarinta Beeraha Guddoomiyaha Guddida Sare ee Mac’hadka
  2. Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
  3. Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Camuud Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
  4. Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Burco Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
  5. Madaxa Waaxda Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
  6. Dr. Aadan Cilmi Yuusuf Agaasime Fulinta ee Mac’hadka

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu magacaabay Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka kuwaas oo kala ah

  1. Saleebaan Dirir Cabdi, Guddoomiye
  2. Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse), Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee Guddida Tacliinta Sare
  4. Dr. Maxamed Cabdillaahi Dagaal Xubin
  5. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Xubin
  6. Yuusuf Maxamed Cabdi Xubin
  7. Xamda Cabdi Faarax Xubin

 

Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu magacaabay Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka, kuwaas oo uu go’aamiyey inay xubno ka noqdaan masuuliyiinta hoos ku qoran:

  1. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Guddoomiye
  2. Sahra Aadan Yuusuf Xirsi Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Cabdiraxmaan Muuse Cabdi Cali Agaasime Guud

Waxa kale oo uu madaxweynuhu magacaabay Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka kooban 5 xubnood, kuwaas oo kala ah:

  1. Faysal Sahal Jaamac Siciid – Guddoomiye Ku-xigeen
  2. Cumar Sheekh Cabdillaahi Ciise – Xubin
  3. Cabdifataax Maxamed Axmed (Dayib Guray) – Xubin
  4. Siciid Jaamac Raabbi Xubin
  5. Maxamed Axmed Xasan Jabarti – Xubin
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories