HomeMadaxweyne Biixi oo isbar-bardhigay Fursadaha Nololeed ee Shacabka Somaliland iyo Kuwa Jabuuti

Madaxweyne Biixi oo isbar-bardhigay Fursadaha Nololeed ee Shacabka Somaliland iyo Kuwa Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, kaddib markii uu ka soo laabtay socdaal laba maalmood qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Jabuuti oo uu kaga soo baxay socdaal dhinaca dhulka ah oo uu xuduudka labada waddan kaga soo tallaabay, isagoo madaxweynuhu safarkiisa ku soo maray deegaamo ka tirsan gobollada Selal, Awdal, Gabiley iyo Maroodijeex.

Madaxweyne Biixi iyo weftiga la socda ayaa ka hor intii aanay soo gaadhin caasimadda, waxa siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyey deegaamada ay soo mareen, waxaana ka mid ah meelaha weftiga lagu soo dhaweeyey ee madaxweynuhu khudbadda ka jeediyey degmada Agabbar oo ka tirsan gobolka Gabiley.

blankMd Muuse Biixi Cabdi ayaa maamulka iyo shacabka degmada Agabbar kala hadlay oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey munaasibad soo-dhaweyn ah oo weftiga madaxweynaha lagu qaabilay.

Madaxweyne Biixi waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay oo isbarbardhig ku sameeyey fursadaha dhinacyada adeegyada bulshada iyo Horumarka ah ee ay is-dheer yihiin Shacabka labada waddan ee Jabuuti iyo Somaliland. Waxa kale oo uu Md Biixi ka hadlay marxalado kala duwan oo xukuumaddiisu soo martay muddadii saddexda sanno ahayd ee ay talada dalka haysay, wax-qabadyada ay ku guulaysteen ee u hirgalay iyo qorsheyaasha wax-qabad ee horyaalla.

Khudbadda madaxweyne Biixi oo xambaarsayd weedho isugu jira hoga-tusaalayn, duur-xul iyo Dhiirri-gelin, waxa kale oo uu kaga hadlay doorka looga baahan yahay inay shacabku ka qaataan horumarka dalka iyo awoodda xukuumadda ee dhammaystirka ballaan-qaadyadii xisbiga Kulmiye u sameeyey shacabka.

Haddaba, Muuqaalka Hoose kaga Bogo Khudbadda madaxweyne Biixi ka jeediyey degmada Agabbar ee gobolka Gabiley.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories