HomeMadaxweyne Biixi Oo Hoggaanka Waddani La Kulmay

Madaxweyne Biixi Oo Hoggaanka Waddani La Kulmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost) Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa wax ka bedel ku sameeyay qaabkii uu ula kulmi jiray madaxda labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID.

Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID ula kulmi jiray qaab wada jir ah, laakiin markii uu ka soo laabtay wada hadalkii Djibouti, wuxuu isbedel ku sameeyay qaabkaas, waxaanu xisbiyada mucaaradka ula kulmayaa si gooni gooni ah.

Xalay ayuu bilaabay kulankii u horeeyay waxaanu kulan xog waran ah la yeeshay madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Habeenada Salaasada ee toddobaadkana wuxuu la kulmi doonaa madaxda xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo laga soo saaray kulanka Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiga Waddani, haddana wararka uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijiyeen in Madaxweynuhu uga waramay masuuliyiinta xisbiga, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya iyo Djibouti ku qabsoomay.

Sida warku sheegay wuxuu Madaxweyne Biixi xisbiyada la wadaagay aragtida ka madaxweyne ahaan uga soo baxday wada hadalkaas iyo kulamadii kala duwanaa ee ay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo ay la fadhiyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo ergadii kale.

Madaxweyne Biixi, arrimaha uu xisbiga Waddani uga waramay waxa ka mid ahaa qodobada la isku mari waayay wada hadalkii Djibouti oo uu ka mid ahaa qodobka isu socodka siyaasiyiinta.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu madaxda xisbiga Waddani uga xog waramay dareenka ay bulshada caalamku ka qaadatay wada hadalkaas Djibouti ku qabsoomay, waxaanu ugu dambayn xisbiga Waddani ka dalbaday inay kala shaqeeyaan arrimaha wada hadaladaas.

Geesta kale madaxda xisbiga Waddani ayaa la sheegay inay madaxweyne Biixi siiyeen tallooyin kala duwan oo la xidhiidha wada hadalada iyo qaabka loo sii wado karo, loogana digtoonaan karo khataro siyaasadeed.

Xisbiga Waddani waxa ka socday guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, guddomiyaha ku meelgaadhka ah Cabdiqaadir Jirde, guddoomiye-xigeenka xisbiga Cabdirisaaq Khaliif, murashixii madaxweyne-xigeen ee xisbiga Maxamed Cali iyo xoghayaha guud Khadar Xuseen Cabdi.

Xigasho Geeska

Somalilandpost.net
Hargaysa Office

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories