HomeMadaxweyne Biixi Oo Furay Dhisme Cusub oo Loo Yagleeyey Maxadka Dawladaha Hoose...

Madaxweyne Biixi Oo Furay Dhisme Cusub oo Loo Yagleeyey Maxadka Dawladaha Hoose Ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa xadhiga ka jaray Dhismaha cusub ee Mac’hadka Dawladaha hoose (LGI) kaasi laga hirgeliyey Caasimadda Somaliland ee Hargeisa, laguna tababari doono shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka.

Munaasibadan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda kala qeybgalay, Maayarada Dalka, wasiiro, gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, taliyeyaasha Ciidamada, Gudoomiyeyaal iyo Agaasimeyaal guud, qaar ka mida Qaybeheeda kala duwan ee mudanta Bulshada. Waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo dhammaantood iska dabamaray muhiimada dhismahan cusubi u leeyahay Dawladdaha hoose iyo guud ahaan Qaranka Somailand oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Wasiir ku-xigeenka, Maayirka Caasimada Hargeisa, Cabdikariim Axmed Mooge, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax, Maayirka Magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) Agaasimaha fulinta Machadka Dawladaha Hoose Iid Muuse Muxumed iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasibada furitaanka dhismaha mac’hadka ayaa boggaadiyey cidkasta oo ka qeyb qaadatay hirgelinta dhismahaasi, waxaana uu xusay in mahadkan laga filaayo inuu noqdo mid lagu kobciyo aqoonta shaqaalaha dawladaha hoose.

Ugu horayn, madaxweynaha ayaa tilmaamay in mac’hadkani tusaale u tahay talaabooyinka loo qaaday dhanka horumarka dawladnimada wuxuuna yidhi “Wuxuu inoo tilmaamayaa Mac’hadkani dhawr qodob, wuxuu inoo tilmaamayaa haddii aynu ku dhaqano qaabka dawladnimada ee marka hore in la fikiro in laga doodo, in lasoo heshiiyo shuruuc lasoo saaro ka bacdina shuruucdaa lagu heshiiyey la raaco, mashaariicda tusaalaga wanaagsan ka ah inaan wax hirgelin karayno oo aynu wax dhisan karayno waxaa kamida machadkan, waxaa kamida dhismayaal badan oo kale oo markaynu dhisnay dad badani u qabeen inaynaan dhisan karayn iyo hawlo ka culus oo aynu qabsanay”.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha ayaa dardaaran u diray dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ee waxbaratay inay u halgamaan dhanka dawladnimada bulshadana ku qanciyaan qarannimada.

blank
default

“Waxaan u dardaarmayaa da’ayarta, dhalinyarada wax baratay ee jaamacadaha ku jira rag iyo dumar leh waxaa laga rabaa inay u halgamaan dhanka dawladnimada iyo horumarka oo dadka hala baro in qaranimada uun wax lagu qabsan karo, markaynu isu tagno cadowgeena waan jabinaynaa waa ka adkaanaynaa, faqriga waa la dagaalami karaynaa, maanta inta dhaam la qodaayo mid keliya ayey inaga caawiyeen hay’addaha caalamku markii ay arkeen inaynu dhaamam dhisayno ay yidhaahdeen kaasaanu tijaabinaynaa sideeda dhaam ee waa weyn ee laga dhisaayo gobolada dalka dhammaan cashuurtii aad bixiseen baa laga dhisay,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories