HomeMadaxweyne Biixi oo Farriin Hambalyo iyo Digniin isugu jirta u diray Shacabka...

Madaxweyne Biixi oo Farriin Hambalyo iyo Digniin isugu jirta u diray Shacabka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Ciidal Fidriga awgeed dhammaal hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan shucuubta Islaamka.

Farriinta hambalyada farxadda Ciidul-Fidri ka sokow, waxa uu madaxweynuhu shacabka ugu baaqay inay wada-jir u ilaashadaan ammaanka iyo nabadgelyada Eebbe ku mannaystay Somaliland oo uu sheegay inay leedahay cadow badan oo aan oggolayn horumarkeeda.

blank
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha oo shacabka la wadaagayey farriin hambalyo ah oo ku aaddan munaasibadda Ciidul-fidriga, waxa uu yidhi, “Ilaahay baa mahad leh nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka iyo barwaaqada, fadliga ramadaan, ilaahaybaa ku mahad leh, waxaan dhammaan hambalyo iyo salaan u dirayaa ummadda islaamka ah meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda Somaliland, gude iyo dibed waxaan u dirayaa salaan iyo hambalyo, waxaanan ilaahay uga rajaynayaa sannadkaa sannadkiisa inay barwaaqo iyo bash-bash iyo caafimaad ku ciidaan oo ilaahay caafimaad inagu wada gaadhsiiyo iyo horumar, ramadaantu waxay ku soo hagaagtay sannadkan roob, qabaw iyo barwaaqo dalkuna nabad yahay”.

Madaxweynaha oo ku guda jira dhambaalkiisa hambalyada ah ayaa yidhi “Ramadaanta waxa inoogu xiga oo iyana soo socota 18 May oo maalintii qarannimada Somaliland oo shan cisho ka danbayn doonta haddii Alle yidhaahdo, waxa ku xigidoona 18-ka, haddana doorashadii oo ilaa hadda ku qotonta inay qabsoonto 31-May bishan aynu ku jirno, arrimahaasa isu keen dabayaala, waxa ku sii xiga 26-June, waxa weeyaan arrimo wada muhiim ah, dabaal-deg, xus, cibaado iyo farxad ah oo ciid ah, waa ilaahay mahadii intaa isku xigtaa, si ilaahay ciidahaa iyo doorashooyinkaa isdaba-jooga ahi inoogu qabsoomaan nabad, qof walba oo muwaadina oo Somaliland ah, waxa ku waajib ah in uu ilaaliyo dalkiisa, nabadiisa, dadkiisa inay si nabad ah oo barwaaqo ah oo caafimaada caruurtiisa iyo ciroolihiisu ku ciidaan”.

Waxaanu madaxweynuhu si gaara hoosta uga xariiqay cadawga Somaliland waxaanu yidhi “Somaliland cadaw badan ayey leedahay oo aan jeclayn horumarkeeda iyo nabadeeda iyo wada jirkeeda, waxaan ku dardaarayaa dhammaan muwaadiniintu inay meel uga soo wada jeedaan wixii inaga khal-khalinaaya horumarkeena, nabadeena, walaaltinimadeena, maalmahaa ciida, tan fidriga, tan 18-ka, ta doorashada, ta 26-June, waxay isku wada xigaan”.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xanuunka covid 19, waxaanu yidhi “xanuunka covid 19 oo sannadkan sidii kal hore ka cuslaa, ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee dad badana inaga dilay, in badana uu dhibaatooyin caafimaad u geystay isagana waxa aynu ilaahay ka rajaynaynaa inuu inaga dulqaado oo caafimaad inoogu bedelo, hadda sidii hore uu ka sahlan yahay hoos buu u socda isagana ilaahay ha inaga kaxeeyo. Waxaan ku soo koobayaa hambalyo, nabadaa iyo horumarkaa iyo wada-jirkaa ha inoogu wado, sannadkan sannadkiisana horumar intan ka ballaadhan iyo barwaaqo ha inagu gaadhsiiyo”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories