HomeMadaxweyne Biixi oo Derajooyin ku taxay 253 Sarkaal oo Qalin-jabiyey Dugsiga Booliska...

Madaxweyne Biixi oo Derajooyin ku taxay 253 Sarkaal oo Qalin-jabiyey Dugsiga Booliska ee Madheera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tabobar usoo xidhay 253 (Laba boqol iyo saddex iyo konton) sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada Booliska, Laanta socdaalka iyo ilaalada xeebaha, kuwaas oo dhammaystay tabobar Layli sarkaalnimo ah.

Munaasibadda tabobarkan oo lagu qabtay gudaha dugsiga tabobarka ciidanka ee Mandheera, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, macallimiinta dugsiga, saraakiisha qalinjebinaysay iyo marti-sharaf kale, waxana goobta lagu bogaadiyey saraakiisha qalinjebisay iyo macallimiinta ku tacabtayba.

blankUgu horrayn waxa madasha ka hadlay saraakiil sarsare oo katirsan macallimiinta dugsiga Mandheera iyo madaxda Booliska u qaabilsan dhinaca tabobarrada, ayaa ku dheeraaday marxaladihii ay soo mareen saraakiisha maanta kulliyadda ka qalinjebiyey ee derejooyinka loo xidhay, waxana ay bogaadiyey dhallinyarada qalinjebisay oo ay ku tilmaameen mustaqbalkii ciidamada kala duwan ee dalka.

Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, Ilaalada Xeebaha Sarreeyo guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo Laanta socdaalka Sarreeye guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey saraakiisha dhallinyarada ah ee maanta ka qalinjebiyey kulliyadda tabobarka, waxana ay usoo jeediyeen inay aqoonta ay barteen uga faa’iideeyaan shaqada ay bulshadooda u hayaan.

blankWasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey saraakiisha dhallinta yar ee maanta qalinjebiyey, waxana uu tilmaamay in qaranku wakhti badan geliyey sidii ay halkan usoo gaadhi lahaayeen, una yeelan lahaayeen quruxda derejooyinka garbahooda ku taxan.

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyey dhallinyarada saraakiisha ah ee maanta qalinjebisay, isaga oo si gaar ah u ammaanay hablaha kamidka noqday saraakiisha dallacday oo uu ku sifeeyey kuwo ka dedaal badan ragga oo isa soo saaray.

blankMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Saraakiisha qalinjebisay usoo jeediyey inay guntadaan waanada iyo waxsheegga taliyeyaashoodu ujeediyeen, isaga oo ku hambalyeeyey inay gaadheen hammigoodii ciidanka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Aad iyo Aad baan idiin hambalyeynayaa, wixii dardaaran, duco iyo waano la idin siiyey, Alle ha idinku anfacee idinkuna guntada, hablaha kasoo qaybgalay tabobarkana waan hambalyeynayaa.”

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu derejooyinkii ay xaqa u lahaayeen ku taxay saraakiisha dhallinyarada ah ee maanta ka qalinjebiyey kulliyadda Mandheera, kuwaas oo isugu jira Rag iyo Hablo, islamarkaana qaatay derejooyin kala ah Xiddig iyo laba xiddigood.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories