HomeMadaxweyne Biixi Oo Cagjar Ku Soo Gole Joojinaya Wajaale Iyo Waxa Soo...

Madaxweyne Biixi Oo Cagjar Ku Soo Gole Joojinaya Wajaale Iyo Waxa Soo Kordhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLPOST) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu wadaa Inuu safar ku tago Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley.

Ma jiro War rasmiya oo Dawladdu arrintan ka soo saartay, balse Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha oo ay Safarkiisa ku wehelin doonaan Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Saraakiisha Ciidammada kala duwan ee ammaanka, ay Tog-wajaale shir ku yeelanayaan Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo isaguna Safar ku imanaya halkaas.

Madaxweyneyaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Dawladda Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, ayaa ka wada-hadli doona Xidhiidhka labada dhinac ka dhexeeya iyo siday muhiim u tahay in midba midka kale ammaankiisa ka shaqeeyo, maaddaama oo ay wadaagaan xuduud dheer.

Kulankan ayaa sida la xaqiijiyey si gaar ah u khuseeya Shir ay dhawaan Magaalada Jigjiga ku yeesheen Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaasi oo gebogabadii shirkaa ka soo saaray War ah inay dagaal la galayaan Somaliland oo ay qaddiyadeeda ka soo horjeedaan, shirkaasi oo Dawladda iyo Shacabka Somaliland ka cadhoodeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynaha DDSI uu shirkaa cudur-daar kaga bixin doono warka lidka ku ah Somaliland ee ka soo baxay Shirka ka dhacay Jigjiga.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa ayaa shirka Wajaale ka dib, waxay socdaal ku soo mari doonaan Degmooyinka ku teedsan xuduudka Galbeed ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net/Hargeisa Office 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories