HomeMadaxweyne Biixi oo caawa kulan degdeg isugu yeedhay hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Shir-guddoonnada...

Madaxweyne Biixi oo caawa kulan degdeg isugu yeedhay hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Shir-guddoonnada Baarlamaanka, maxaase lagawada Hadlay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan la qaatay shir-guddoonka labada gole qaran ee guurtida & wakiillada iyo xisbiyada mucaaridka ah, waxaana uu kulankani daarranaa sidii qaran ahaan mawqif midayan looga yeelan lahaa tallaabooyinka ay dawladda Soomaaliya muddooyinkan dambe kaga soo horjeedsatay maal-gashiga iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay.

Madaxweynuhu isagoo si taxadar leh ula socda hagar-daamooyinka iyo tallaabooyinka horumar nacaybka ah ee ay Soomaaliya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dimuqraaddiyadda ka hana qaadday ku diiddan tahay, waxa uu shir-guddoonka iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah metelayey ku lafo-gureen kulankaasi sidii arrimaha soo kordhay isku duubni iyo wada-jir ummadeed loogu qaabili lahaa, isla markaana loo dhawri lahaa midnimada shacabka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay shir-guddoonka labada gole iyo hoggaanka axsaabta mucaaridka ah, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Mudane Faysal Cali-waraabe iyo wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo xidhidhka goleyaasha, Mudane Sacad Cali Shire iyo Maxamed Xaaji Aadan, waxaana uu madaxweynuhu xubnaha la wadaagay muhiimadda ay leedahay sidii talo midaysan oo qaran, isla markaana sal ballaadhan looga yeelan lahaa gardarrada ay Soomaaliya sdai daba joogga ah ugu hayso qarannimada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankan qaran ee lagu marti-qaaday ka cudur daartay, isla markaana aan kasoo qaybgelin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories