HomeMadaxweyne Biixi oo Arrimaha Doorashada ka hadlay, Golaha Wakiillada-na cannaan u jeediyey

Madaxweyne Biixi oo Arrimaha Doorashada ka hadlay, Golaha Wakiillada-na cannaan u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Xukuumaddiisu labadii sanadood ee la soo dhaafay wakhtiga ugu badan gelisay siday ay u walaalayn lahayn Bulshada, gaar ahaan beelaha dirirtu dhex marto.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta kulan la yeeshay isla-markaana khudbad u jeediyey Haweenka Xisbiga KULMIYE isla-markaana la kulmay kulan la yeeshay Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Afraad ee Xisbigaasi, ayaa sheegay in labadii sanadood ee la soo dhaafay wakhtiga ugu badan Xukuumaddiisu gelisay Walaalaynta Beelaha Dirirtu ku dhex marto.

blankMadaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Labadii Sanadood ee Dawladdu dhisnayd, waxaanu la halgamaynay oo wakhtiga intiisii badnayd ku baxday oo sax ah oo xooggeenii ku baxay in Dadkeenu Colaaddu dhexdooda tahay aynu is ogolaysiin iyo deegaamada isku dhacooda.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in Marka Madaxweynaha la doorto aanu Qof walba danihiisa gaarka ah ka raadsan, balse uu u fikiro si heer Qaran ah “Qofka marka la doorto waxaynu u baahan nahay inaynu si ballaadhan u wada fikirno. Maantana Dalku waa nabad, xuduudihiisa oo dhan waa nabad oo looga baqi maayo Cadow soo weerara oo Ciidan baa hor-taagan.”

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo “Haddii koox la doortay tidhaahdo dhici maayo oo intaan doonayaan joogayaa lagu heshiin maayo oo Dawlad ku noqon mayno oo waynu isku qabsanaynaa oo dib baynu ugu dhacaynaa. Maanta tii baa inna hor-taalla, ma dhacayso dimuqraadi baan ahay, Goluhuna dhaxal-buu ku soconayaa, Golaha Guurtida kuwii Mado-weyn lagu doortay ayaa jooga, waa 40 sano oo dhadhow, inankiisii baa dhaxlay, kii labaad dhaxlay, kumaynaan heshiin, halgankana umaynaan gelin in abuuro boqortooyo marba qof dhaxlo, wax walba waa doorasho, xilka mar baa lagu tijaabinayaa, wuu beddelayaa, ka xilka hayaana waa inuu aqbalaa, waa khasab, lala kala xishoon maayo, Qofku xilkii loo dhiibay waa inoo soo celiyaa. Golaheena Baarlamaanka waxaanu leenahay 15 Sano Xaq nooguma lihidin, 5 sano ayaanu idin dooranay, haddii aad wax wanaagsan qabateen waad ku ammaan tihiin, haddii aydaan wax wanaagsan qabana dhaliisha ayaad leedihiin, laakiin qaar kale ayaa la tijaabinayaa.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay “Dawladaha Hoose waa la mid ah, Madaxweyneyaashu waa la mid, waxaynu doonaynaa in wakhtigii la doortay wakhtigeedii la soo celiyo (Xilalka), si loo tijaabiyo kolba qof wanaagsan oo aanay fawdo dhicin. Labadaa Gole waa muddo dhaaf aan macquul ahayn, Dawladaha Hoose-na waa la mid,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories