HomeMadaxweyne Biixi iyo Wefti Uu Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka...

Madaxweyne Biixi iyo Wefti Uu Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Gabiley (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si  ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley oo ay socdaal shaqo ku tageen.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo ku jooga gobolka Gabiley, ayaa waxa soo dhaweyn diirran ku qaabiley qaybaha kala duwan ee shacabka reer Gabiley oo ku labbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, isla markaana ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, kuwaas oo ay ka muuqatay taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 IMG_9938

Kumannaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley oo taxnaa kaantaroolka iyo waddada weyn ee badhtamaha magaalada marta, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey guriga martida magaalada Gabiley, waxana intaas kaddib  ujeeddada safarka madaxweynaha ka warbixiyey Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ujeeddada madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo socdaalkoodu waxa uu daarran yahay hawl-maalmeedkii shaqo ee dastuuriga ahaa ee uu madaxweynuhu ku mari jirey gobollada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. muddada uu madaxweynuhu gobolka Gabiley ku sugan yahana waxa uu xog-ogaal u noqon doonaa xaaladda guud ee gobolka iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu  kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka.”

 

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu guud ahaanba  shacabka gobolka Gabiley  ku dhaqan iyo maamulkooda ugaga mahadnaqay sida aan kala hadhka lahayn ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories