Home“Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gobolkan Gabiley Waa Gobol uu jecel yahay, Gobolkani waxa...

“Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gobolkan Gabiley Waa Gobol uu jecel yahay, Gobolkani waxa uu ahaa kuwii laga taageeri jiray” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Cali Xoor-Xoor Wuxuu Qabtay Qarin Mayno, Waanu Qiraynaa” Maxamuud XaashiGabiley (SLpost)- Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiyey  wefti balaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo maanta si weyn loogu qaabiley magaalada Gabiley ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo dhawr ah.

Ugu horayn Wasiirka ayaa ka hadlay Waddo hal KM ah oo golaha deegaanka Gabiley uu ka hirgelinayo degmada Arabsiyo, waxaanu yidhi “ Gollaha deegaanka ee uu u horeeyo duqa magaalada Gabiley, waxaan ku hambalyeynaya maanta wadada aynu dhagax dhignay ee degmada Arabsiyo ee halka kiiloo mitir ah, iyo wadada Alay-baday ee ay ka qayb qaadanayaan waanu ku bogaadinaynaa.”

Geesta kalena Wasiirka ayaa ka hadlay dhismaha xarunta Ciidanka Booliska Gobolka gabiley oo Xukuumadda Somaliland ay fulin doonto isaga oo dhagax dhigay waxaanu yidhi “ “ Waxa aannu maanta halkan dhagax dhignay dhisme loo dhisayo qaybta booliska gobolkan, oo ay dhisayso Xukuumadda Somaliland. Dawladda hoose ee Gabiley maanta waxqabadkeedii wuu muuqdaa, maayarkan iyo kuwii ka horeeyeyba mudadii todobada sanno ahayd ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa, Berbera, Burco iyo Boorame wax qabad weyn ayey sameeyeen,waanay is badaleen, waxa dad badani si waydiiayaan maxay u qaban  waayeen wakhtiyadii hore waxa ay hada qabteen, lacagahaasi waa kuwii ay awal hore cashuur ahaan u heli jireen iyo kabkii ay dawladdu siin jirtay.”

“ Kaliya laba arrimood ayaa ku jira halkaa, oo xikmad ah labdaas ayaan hoosta ka xaqiirayaa, midi waxa weeye hami iyo himilo waxqabad ayaa Xukuumadani ay la timid, maadaama oo ay la timid oo Madaxweyneheedii kow ka yahay, Goleyaashii deegaankuna dawladii dhexe ayey himiladii kula shaqeeyeen, oo ay kula tartameen. Laba meeshii wax qabasata waxa aannu anaguna xukuumad ahaan xooga saaray in aannu wax u qabano, waa ta sadexaade waxaanu ka daynay gacan togaalayskii iyo shaxaadkii, waraaqihii gaarka ahaa ee Madaxtooyaddu ama wasaarada arrimaha guduhu soo qori jireen, ama Wasiiradii shaxaadi jiray, ayaannu dawladihii hoose ka daynay, lacagahooda siyaasada ma galino, waxaannu nidhaahnaa dalka ku dhisa, runtii intaas ayaa wax weyn abuurtay, markaa horumarkaas uu golaha deegaankan oo Maayar Amiin kow ka yahayba aad ayaanu u bogaadinaynaa.”

Mudane Xaashi ayaa geesta kalena sheegay in Madaxweyne Silaanyo uu aad u jecel yahay gobolka Gabiley waxaanu yidhi “ Madaxweyne Axmed Silaanyo, gobolkan gabiley waa gobol uu jecel yahay, gobolkani waxa uu ahaa goboladii laga taageeri jiray, isaga oo madaxweynuhu horumarka cadaalad ku saleeya, oo aan u eegin yaa kaa codeyey ama ku codeeyey oo ah astaamaha lagu karto hoggaamiyaha balaadhan, hadana wakhtigan oo doorasho loo dareedarayo, waxaanu xoog saarnaa, doorashada, dhaqaale badan ayaa dawlada ku soo baxsaday, dhaqaale darro ayaa dalkan ka jirta, hadii aan duruufahaasi iman taliska qaybta Gabilay wakhti hore ayaa la dhisi lahaa, hasayeeshee iyada oo duruufahaasi Xukuumadda la daris yihiin ayuu Madaxweynaha markii aan u sheegay arriman igu amray in aan fuliyo, jacaylka iyo niyad-sanida uu gobolkan u qabo darteed.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories