HomeMadaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday waxaan uga digayaa inuu hor-istaago caddaaladda loo raadinayo gabadhayda"...

Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday waxaan uga digayaa inuu hor-istaago caddaaladda loo raadinayo gabadhayda” – Hooyada Dhashay Ikraan Tahliil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank

Muqdisho (SLpost)- Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa ka hadashay xil ka qaadista lagu sameeyey Agaasimaha hay’addaas Fahad Yaasiin.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wareegto uu xalay soo saaray shaqada kaga joojiyey Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyey inuu wax ka ogyahay Ikraan Tahliil oo raq iyo ruux meel ay joogto la la’yahay, haseyeeshee, waxa go’aankaas ka horyimi oo diiday madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Hooyo Qaali Maxamuud oo warbaahinta la hadashay waxa ay ugu horeyn Raysal-waraahaha Soomaaliya uga mahadcelisay go’aanka uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin, kaas oo ay ku tilmaantay inuu yahay go’aan caddaalad loogu raadinayo gabadheeda.

“Waxaan Raysal-wasaare Rooble uga mahad-celinayaa go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, taasoo aheyd wax uu horey uga ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed, waxaanan ka codsanayaa inuu hore usii wado caddaalad-u-raadinta Ikraan Tahliil,” ayey tidhi hooyo Qaali oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hooyada Dhashay Ikraan Tahliil waxa farriin u dirtay madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya oo ay uga digtay inuu hor-istaago caddaaladda loo raadinayo inanteeda.

“Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan uga digayaa inuu hor-istaago caddaaladda loo raadinayo gabadhayda oo aanu fiirin saaxiibtinimada ka dhaxeysa Fahad Yaasiin ee uu fiiriyo caddaaladda ay gabadhaydu u baahan tahay,” Sidaas ayay tidhi Hooyo Qaali.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo hadalka Hooyadan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories