HomeMadaxweynaha Uganda oo Ciidamadiisa uga digay inay Xidhiidh la yeeshaan Dumarka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Uganda oo Ciidamadiisa uga digay inay Xidhiidh la yeeshaan Dumarka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Kampala, 09 April, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa uga digay Ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho inay xidhiidh dhinaca Jinsiga ah la yeeshaan Haweenka Soomaalida, taasoo uu ku tilmaamay inay khatar ku keeni karto howlaha nabad-ilaalineed ee ay ka hayaan Soomaaliya, ka dib markii toddobaadkii hore ay Haweenay isku qarxisay Xaflad ay ka qaybgaleen Masuuliyiin dawladda Soomaaliya ka tirsan oo dhimasho iyo dhaawac sababay.

Museveni, ayaa maalintii Jimcaha ahayd ka sheegay Xerada Ciidamada Singo ee Uganda oo xilligaas ay ku sugnaayeen 1,700 Askari oo loo diyaariyay in loo soo qaado Soomaaliya si ay howlgalka AMISOM uga qaybqaataan. “Xidhiidh Jinsi oo aad la sameysaan Haweenka Soomaalida waxay khatar ku keeni kartaa howlgalka nabad-ilaalineed ee ka socda Soomaaliya.” ayuu Museveni u sheegay ciidamadii uu la hadlayay.

Ciidamadan ayaa loo diyaariyay sidii ay u xoojin lahaayeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, halkaas oo ay Uganda Ciidammo badani hore uga joogeen, waxaana kuwan loogu talagalay si loogu guuleysto howlgalka lagaga horjeedo Malleeshiyada Al-shabaab ee ka socda gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda wuxuu ugu baaqay ciidamada dalkiisa inay noqdaan kuwo daacad u ah howsha ay ka hayaan Soomaaliya. Isagoo ugu baaqay ciidamadiisa iyo Taliyeyaashooda inay ilaaliyaan shuruucda iyo asluubta ciidammada. Askari ka tirsan ciidammada dalka Uganda ayaa hore xidhiidh dhinaca Jinsiga ah ula yeeshay Haweeney Soomaaliyeed, kaasoo la xidhay laguna eedeeyay inuu ka baxay sharci u degsanaa Ciidamada UPDF.

Ciidammadii Uganda ee ka howlgalay dalka Jamhuuriyadda Congo sannadihii 1998-kii illaa 2001 ayaa waxay xidhiidho dhinaca Jinsiga ah la yeesheen Haweenka dalkaas u dhashay, taasoo keentay in Carruur badan ay ku dhashaan, kuwaasoo qaarkood ay Ciidammadu kula laabteen dalkooda Uganda.

Hadalkan Madaxweynaha Uganda ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib, markii la sheegay qarax ka dhacay toddobaadkii hore xarunta Maadda iyo Madaddaalada ama Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho inay fulisay Haweenay lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac badan isugu jira, isla markaana uu dirqi kaga badbaaday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), halka ay Masuuliyiin isugu jira Xildhibaanno, La-taliyeyaal iyo Madaxii Ciyaaraha Olombikada Soomaaliyeed qaraxaas ku geeriyoodeen markii uu dhacay iyo kuwo dhaawac ugu dhintay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya oo Caafimaad ahaan loo geeyey.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories