HomeMadaxweynaha Turkiga oo soo bandhigay Caddaymo uu ku tirtiray Taariikh Reer Galbeedku...

Madaxweynaha Turkiga oo soo bandhigay Caddaymo uu ku tirtiray Taariikh Reer Galbeedku Guusheeda ku faanaan

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Ankara (SLpost)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dunida Islaamku uga horeysay Daah-furka Qaaradda Latin Ameerika waddamada reer Galbeedka oo sheegta inay taariikh ahaan ugu horeeyeen helitaanka qaaradda 300 sanno horteed, wakhtigaas oo sida ay sheegaan uu daah-furay sahamiyihii reer Spain ee lagu magacaabi jiray Christopher Columbus.

ReccepMadaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo Sabtidii todobaadkan ka hadlay shir-weyne uu ku marti-qaaday hoggaamiyeyaasha waddamada Muslimka ah ee qaaradda Latin Amerika, waxa uu sheegay in sahamiyeyaal Muslim ah heleen qaaradda Latin Amerika sannadki 1178-kii, Masaajid-na ka dhiseen Jasiiradda CUBA ee Latin Amerika isla markaana uu Christopher Columbus laftigiisu ku arkay masaajidkaas markii uu daah-furay qaaraddaas 1492-kii.

“Xidhiidhka ka dhexeeya Latin America iyo Dunida Islamku waxa uu bilaabmay qarnigii 12aad.Muslimiinta ayaa daah-furtay America sannadkii 1178-kii, muu ahayn Columbus ciddii u horeysay ee heshay,” sidaas waxa yidhi Madaxweyne Erdogan oo la hadlayey hoggaamiyeyaasha waddamada Muslinka ah ee Qaaradda Latin Amerika oo shirweyne uga furmay waddanka Turkiga.

“Sahamiyeyaal Muslimiin ah ayaa tagay America 1178-lkii. Columbus qudhiisu wuu sheegay jiritaanka masaajid ka dhisan meel buur ah oo ku taala xeebta Cuba,” ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan.

“Waxaan jeclaan lahaa inaanu kala hadlo walaaladayda Cuba oo Qiri doona Masaajidka ka dhisan goobtaas,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Turkiga.

Haseyeeshee, warbaahinta reer Galbeedka ayaa hadalka madaxweyne Erdogan u fasirtay qorshe uu xidhiidh kula samaysanayo waddamada Qaaradda Latin Amerika, iyaga oo taas daliil uga dhigtay inaanay jirin xusuus-qor uu Columbus diiwaankiisa taariikheed kaga tagay Masaajid uu ku arkay waddanka Cuba markii uu gaadhay jaziiraddaas bilowgii qarnigii 15aad.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories