HomeMadaxweynaha Turkiga oo dalal Somaliland ku jirto ka codsaday xidhitaanka Dugsiyo Maalgelin...

Madaxweynaha Turkiga oo dalal Somaliland ku jirto ka codsaday xidhitaanka Dugsiyo Maalgelin ka hela Urur Mucaarad ku ah Dowladdiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ANKARA (SLpost)- Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Dayib Erdogan, ayaa dhowaan soo saaray wareegto ugu baaqaysa Madaxda 140 waddan oo Shanta Qaaradood ee adduunka ku yaala inay albaabada u laabaan isla markaana dalalkooda ka madnuucaan Dugsiyo maamulkooda Urur-diimeed lagu magacaabo Gülen Movement oo ah dhaq-dhaqaaq uu hoggaamiyo Wadaad mucaarad ku ah dowladda Turkiga oo lagu magaaabo Fethullah Gülen oo mastaafuris ahaan ugu nool waddanka Maraykanka.

Dhaq-dhaqaaqa Gülen oo sidoo kale loogu yeedho Hizmet, ayaa dowladda Turkigu ku eedaysay inay ku hawlan yihiin mucaaradad lagu af-gambiyayo dowladda Turkiga isla markaana faafinayo siyaasado liddi ku ah dowladda uu madaxda ka yahay madaxweyne Reccep Erdogan..

Turkey's President Tayyip Erdogan gives a speech to the media next to Mexico's President Enrique Pena Nieto (not pictured) during an official welcoming ceremony for Erdogan, at the National Palace in Mexico City February 12, 2015. Erdogan is in Mexico on an official two-day visit. REUTERS/Henry Romero (MEXICO - Tags: POLITICS)Sida aanu ka soo xigannay jariiradda Dailysabah ee dalka Turkiga, madaxweyne Reccep Dayib Erdogan, ayaa ku guulaystay dedaallo iyo ololeyaal caalami ah oo uu ka soo horjeedo urur-diimeedka Gülen, isaga oo soo-dhawayn ballaadhan kala kulmay madaxda waddamo dhowr ah oo uu booqasho ku tagay kaddib markii uu Qorshahan u bandhigay, kuwaas oo kala ah madaxweynayaasha dalalka Azerbaijan, Gabon, Senegal, Kosovo, Congo, Kazakhstan, Somalia, Japan iyo Tajikistan oo la sheegay inay ku qanceen soo-jeedinta madaxweyne Erdogan oo ururka ku tilmaamay Dhaq-dhaqaaq ku hawlan kacdoonno ka dhan xukuumaddiisa. Waxaanu u ballan-qaaday inuu ku beddeli doono Dugsiyo maamulkooda ay gacanta ku hayaan Ururro samo-fal oo dowladda Turkig maalgeliso.

Dhaq-dhaqaaqa Gülen oo waddamo badan oo adduunka ah kaga hawl-gala ururro-samofal iyo dhaq-dhaaqayo u dooda xuquuqda bani’aadamka iyo dimuqraadiyadda, ah ayaa hore looga madnuucay dalka Turkiga, iyadoo albaabada loo laabay xarumo waxbarasho oo ay maalgeliyaan.

Madaxweyne Erdogan oo horaantii sannadkan socdaal ku yimi waddanka ay deriska nahay ee Itoobiya, ayaa mar uu ka hadlayey shir-jaraa’id oo isaga iyo Raysalwasaaraha Itoobiya si wada-jir ah ugu qabteen magaalada Addis Ababa, waxa uu madaxda qaaradda Afrika ugu baaqay inay xididdada u siibaan dugsiyada ay maamulaan iyo kuwa xidhiidhka la leh Urur-diimeedka Gulen.

Dugsiyo dhowr ah oo ay maamulaan Ururro samo-fal ah, ayaa ka furan deegaannada Soomaalida, gaar ahaan Somaliland, Ethiopia iyo Soomaaliya. Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxa dhowr sanno ka hor laga furay Dugsi Sare oo loogu magacaabo Somaliland VifakTurkish, kaas oo ay wax ka bartaan Arday Reer Somaliland oo qaarkood waxbarasho Jaamacadeed Dibadda loogu loogu qaaday.

Dugsiga VifakTurkish ee magaalada Hargeya oo lagu barto Farsamada Gacanta isla markaana ah Boarding ay ardaydu u hoydaan, waxa ka diiwaan-gashan 190 arday, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka Hezmet horaantii sannadkan. Sidoo kale, magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxa dhowaan laga furay Dugsi maamul ahaan hoos-taga Urur samo-fal ah oo dalka Turkiga laga leeyahay.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, ayaa sannadkii 2011 laga furay Saddex dugsi oo isugu waxbarashada Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare, kuwaas oo lala xidhiidhay inay Dhaqaale ka helaan Ururka Gulen.

Maamulka Dugsiga Somaliland VifakTurkish ee magaalada Hargeysa iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiinno dhawaaqa ka soo yeedhay madaxweynaha Turkigu, nooma suurta-galin inaanu midkoodna ku helno khadka telefoonka. Haseyeeshee, magacyada Dugsiyada laga hirgeliyey magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ee Ururrada Turkish ahi gacanta ku hayaan, ayaanu ka helnay bogagga Internetka ee Dhaq-dhaqaaqa Hizmet (Gulen) oo lagu daabacay warbixinno laga soo saaray Waxbarashada Dugsiyadooda iyo wax-qabadyada kale ee ka fuliyaan in ka badan 140 waddan oo Adduunka ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiinno arrintan, ayaan noo suurta-galin inaanu helno, kaddib markii uu ka jawaabi waayey telefonkiisa gacanta oo aanu tiraba dhowr jeer ka wacnay.

Lama oga in codsiga madaxweynaha Turkigu soo gaadhay Xukuumadda Somaliland, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo aanu arrintan wax ka weydiinnay way gaabsadeen inay ka hadlaan, balse, madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ammaanay wax-qabadka tacliinta ee Dugsigani ku soo kordhiyey dalka, isaga oo madaxweynuhu sidan ka sheegay kulan isaga iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ku qaabileen Maamulaha Dugsiga tabobarka Xirfadaha ee Hargeysa Şahin Sevim horaantii sannadkan.

Waddanka Turkiga, ayaa markii u horeysay muddo qarni ku dhow dib u bilaabay xidhiidhka uu la leeyahay waddamada Afrika, gaar ahaan Soomaalida sannadkii 2011, wakhtigaas oo raysalwasaarihii hore ee Turkiga immikana ah madaxweynahas dalkaasi socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, waxaana muddadii ka dambaysay xilligaas ku soo badanayey deegaannada Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo Somalia, ururro sama-fal iyo hay’ado laga leeyahay waddanka Turkiga, kuwaas oo ka fuliyey mashaariic horumarineed iyo kuwo samafal ah. Sidoo kale, dowladda Turkigu waxa ay saamayn ku yeelatay siyaasadda Soomaalida, gaar ahaan wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

@Himilomedia.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories