HomeMadaxweynaha Sri Lanka oo Walaalkii u magacaabay Xilka Reysal-wasaaraha Dalkaas

Madaxweynaha Sri Lanka oo Walaalkii u magacaabay Xilka Reysal-wasaaraha Dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Colombo (SLpost)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka, Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii oo Ka weyn Khamiista maanta ah u dhaariyey Xilka Raysal-wasaarenimo ee dalkaas oo uu u magacaabay.

blankMahinda Rajapaksa oo 74-jir, isla markaana  hore u soo qabtay Xilka Madaxweynenimo ee dalkaas, ayaa magacaabistiisu ku soo beegantay saacado kaddib markii uu is-casilay Raysal-wasaare Ranil Wickremesinghe oo Xisbigiisa UNP lagaga adkaaday doorashadii dalkaas ka dhacday todobaadkii hore oo Xisbiga SLPP ku guulaystay.

Guusha Xisbiga SLPP ka helay Doorashada, ayaa suurto-galisay inay mar kale soo rogaal-celiyaan Awooddii qoyska Rajapaksa ku lahaa hoggaaminta Siyaasadda dalka Sri Lanka.

Waa markii u horeysay taariikhda dalka Sri Lanka in laba Qof oo Isku Qoys ahi ku fadhiistaan Labada Mansab-siyaasadeed ee ugu sarreeya talada dalkaas, in kasta oo Raysal-wasaaraha Cusub si ku-meel-gaadh ah u sii hoggaamin doono Xukuumadda tan iyo sannadka dambe oo laga qabanayo Doorashada Baarlamaanka.

“Waan hambalyeynayaa, guul-baanan u rejaynayaa Mahinda Rajapaksa, Raysal-wasaaraha Jamhuuriyadda dimuqraaddiga, hanti-wadaagga ee Sri Lanka,” Sidaas waxa bartiisa Twitter soo dhigay Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa wax yar kaddib markii ay soo id-laatay xafladdii uu xilka ugu dhaariyey Walaalkii.

Madaxweyne Gotabaya oo 70-jir ah ayaa soo qabtay booska Wasiirka Wasaradda Gaashaan-dhigga Xilligii uu madaxweynaha ahaa walaalkii Mahinda Rajapaksa oo isagu Dalkaas oo xukumayey intii u dhaxaysay 2005-tii ilaa 2015-kii.

Reysal-wasaare Mahinda oo ahaa hoggaamiyaha Mucaaradka ee Sri Lanka 10-kii bilood ee u dambeeyey, ayaa xilka Reysal-wasaarenimo ee dalkaas soo qabtay laba jeer oo hore. Waxaana la qorsheeyey inuu noqdo murashaxa Xisbiga SLPP ee Doorashada Baarlamaanka oo loo muddeeyey bisha April ee sannadka soo socda.

Labada nin ee Walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaal sokeeye oo 27 sanno ka socday dalkaas, kaas oo la soo af-jaray 2009-kii, kaddib markii ay dowladda Sri Lanka, oo xilligaas wasiirkeeda gaashaan-dhiggu ahaa madaxweynaha hadda xilka qabtay, ay awood milatari kaga adkaatay Jabhaddii Tamil Tigers ee Woqooyiga dalka markii dambe heshiis dhexmaray. Jabhadda oo ka hawl-gali jirtay Woqooyiga Sri Lanka, ayaa ujeeddada ay u dagaalamaysay ahayd inay ka go’aan dalka intiisa kale.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories