HomeMadaxweynaha Soomaaliya Oo Qaaday Tallaabo Uu Madaxweynaha Somaliland Hore Ugaga Digay Iyo...

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Qaaday Tallaabo Uu Madaxweynaha Somaliland Hore Ugaga Digay Iyo Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Magacaabay Ergayga gaarka ah ee Dalkiisa u qaabilsan Gobolka Geeska Afrika, badda Cas iyo Gacanta Cadmeed.

Madaxweynaha ayaa xilkaa u Magacaabay Yuusuf-Garaad Cumar Axmed oo mar soo noqday Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Soomaaliya doonayso inay soo ceshato doorkii ay ku lahayd Gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed ay Yuusuf Garaad loo Magacaabay Ergayga Soomaaliya ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanta Cadmeed “Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonida iyo horumarka mandiqadda.” Ayaa lagu yidhi Wareegtada ka soo baxday Villa Soomaaliya.

Tallaabadan uu Madaxweyne Farmaajo qaaday ayaa u muuqata mid uu ku dardar-gelinayo qorshe Soomaaliya ku doonayso inay kaga mid noqoto urur ay ku midaysan yihiin Dalalka Khaliijka Carabta iyo Geeska Afrika, kaasi oo u xil-saaran Maamulka badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sidoo kalena abaabulaya Qorshe lagu dhisayo Ciidamo ilaaliya Badda.

Dawladda Farmaajo ayaa dedaal ugu jirta in loo daba fadhiisto arrintaasi markay noqoto wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, laakiin maaddaama oo ay xilligan Somaliland tahay Dawlad ka Madax-banaan Soomaaliya waxa arrintan ku gacan saydhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi oo dhawaan hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Dugsiga Tababbarka Ciidammada ee Dararweyne ayaa isagoo ka digaya in Cid kale ku matasho Maamulka badda cas wuxuu yidhi “Cidna naguma matasho badda cas, Dawladaha yidhi Badda cas waxaanu u samaynaynaa Ciidan difaaca ee 8 Dawladood ah waxaanu Cod dheer ugu sheegaynaa Baddayada iyo berigayaga anagaa difaacana, Cid aan nagala tashana iman mayso, kana yeeli mayno, mana nihin Qolo ku baqanaysa Cid baa xoog weyn iyo Taangi buu wataa midna ma aaminsanin, hore ayaanu Taangiyo ugu furanay Qori iyo Taki yar, Nin walba oo xoog weyn waxaanu u sheegaynaa Nabad iyo Walaalnimo ayaanu kaa rabnaa..”

@Geeska Afrika Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories