HomeMadaxweynaha Soomaaliya oo ka badbaaday Isku-day Dil; Kooxda Al-Shabaab iyo Dawladda oo...

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka badbaaday Isku-day Dil; Kooxda Al-Shabaab iyo Dawladda oo siyaabo kala duwan uga hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa ka badbaaday isku day lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen wefti madaxweynuhu hoggaaminayo oo ku sii jeeday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Dalkaasi Soomaaliya.

JIritaanka warkan iyo weerarka lala beegsaday weftiga madaxweynaha waxa siyaabo kala duwan uga hadlay Afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka dalkaas iyo afhayeen u hadlay madaxtooyada Somaliya.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu-Muscab, ayaa war uu siiyay wakaaladda wararka AFP ku sheegay in Al-shabaab ay weerar ku qaadday gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo marayay deegaan lagu magacaabo Buufoow oo ku dhow degmada Marko.

“Weerar ayaan ku qaadnay gaadiid uu la socday madaxweyanaha Soomaaliya, waxaanan ku dilnay ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, sidoo kale waxaan dhaawacyo u geysannay xubnihii la socday,” ayuu afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab u sheegay AFP.

SoomaaliyaSheekh Abuu-Muscab oo sii hadlaya ayaa sheegay in laba gaadhi oo ka mid ahaa gaadiidka uu la socday madaxweynaha inay ku burburiyeen baasuukayaal ay la heleen, isagoo intaa ku daray in dagaal ka dhashay weerarka ay qaadeen uu weli socdo.

Dhinaca kale, Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Eng. Cabdiraxmaan Yariisoow oo ka mid ahaa wefdiga madaxweynaha ee Marka gaadhay oo u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida, ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.

“Ma jiro weerar gaadiidkii uu la socday madaxweynahu lagu qaaday, madaxweynaha iyo wafdigii la socday si nabadgalyo ah ayay ku gaareen degmada Marko,” ayuu yidhi Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in gaadhi ay la socdeen saraakiil ciidan oo ku socday Marka uu ku rogmaday magaalada Muqdisho uuna ku dhintay hal askari, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Wefdiga madaxweynaha oo isugu jirey wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan, ayaa gaadhay magaalada Marka, iyaga oo halkaas kula leh kulamo maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa mid dhulka uu ku maray,  wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee uu ku tago meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories