HomeMadaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay Kenya oo ku Qaabishay Meeqaamkii ay Madaxweynaha Somaliland...

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay Kenya oo ku Qaabishay Meeqaamkii ay Madaxweynaha Somaliland ku maamuustay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kenya ayaa ah Dalkii labaad ee Cilaaqaad ka dhexeeyo Somaliland ee Madaxweynaha Somalia socdaal ku tago

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jimcaha maanta gaadhay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka degay gegida diyaaradda ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi waxa soo dhaweeyey Wasiirka Beeraha Kenya Peter Munya iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalkaas Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Safarka uu madaxweynaha Soomaaliya ku gaadhay Kenya oo noqonaya kii ugu horreeyey ee uu ku gaadho dalkaas tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dalkaas, waxa gelinkii dambe ee maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Kenya, Jomo Kenyatta.

Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya ee Kenya ayaa ku soo beegmaya iyadoo isla maanta dalkaas lagu soo dhaweeyey madaxweynaha waddanka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Guinea Bissua, Umaro Sissoco Embaló oo xilligan ah guddoomiyaha Ururka ay ku midaysan yihiin dalalka Galbeedka Afrika ECOWAS.

Madaxweynaha Kenya ayaa xilligan haya xilka guddoomiyaha Ururka ay ku midan yihiin dalalka Bariga Afrika, waxaana la filayaa inuu dhiggiisa Soomaaliya kala xaajoodo arrimo door ah oo ku saabsan xidhiidhka labada waddan oo xumaaday xilligii uu dalkaas madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo bishii May ee sannadkan lagaga adkaatay doorashada uu ku soo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday siyaasigii ugu horreeyey ee laba muddo-xileed loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud mar labaad ku guulaystay xilka madaxweynaha, waddamada Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dib loo bilaabi doono ganacsiga Qaadka ay Nairobi u soo dhoofiso Muqdisho, sida uu hore u sheegay wasiirka Beeraha ee Kenya Peter Munya.

Marka laga eego meeqaamka iyo soo-dhaweynta dowladda Kenya ku qaabishay madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu la mid yahay maamuuskii dowladda dalkaasi ku qaabishay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo bishii December ee sannadkii 2020 socdaal ku tagay Kenya kaddib markii uu marti-qaad ka helay madaxweyne Uhurru Kenyatta.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa xilligaas garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyeyWasiirka Beeraha ee Kenya Peter Munya iyo safiirka Somaliland u fadhiya Nairobi, ka hor intii aanu madaxweynuhu qasriga madaxtooyada kula kulmin dhiggiisa Kenya.

Kulanka labada madaxweyne ee Somaliland iyo Kenya, waxa markii dambe ka soo baxay war-murtiyeed xambaarsan heshiis dhowr qodob ka kooban Heshiiska iskaashi oo dhexmaray labada waddan.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Kenya ayaa noqonaya waddankii labaad ee cilaaqaad dublomaasiyeed la leh Somaliland ee uu socdaal ku tago tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii May ee sannadkan.

Horaantii bishan July, waxa uu Xasan Sheekh Maxamuud socdaalkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah tan iyo markii la doortay ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo cilaaqaad ganacsi iyo dublomaasiyeed la leh Somaliland. Xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa halkii u hoosaysay gaadhay muddadii uu Kursiga madaxweynaha ku fadhiyey Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories