HomeMadaxweynaha Soomaaliya ka hadlayey Xaaladdisa Caafimaad oo Geeri lagu xidhiidhiyey

Madaxweynaha Soomaaliya ka hadlayey Xaaladdisa Caafimaad oo Geeri lagu xidhiidhiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

xasan sheekh maxamuudAnkara (SLpost)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyey warar shalay laga faafiyey xaaladiisa caafimaad, kuna tilmaamay inay ka dambeeyaan dad la shaqeeya Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dambeeyey ka dib markii warbahinta Soomaaliya qaarkood faafiyeen shalay in xaaladiisa caafimaad halis tahay kuna jiro cusbitaal dalka Turkiga ku yaal, ayuu sheegay inuu booqasho aan rasmi ahayn ula joogo dalka Turkiga qoyskiisa, xaaladiisa caafimaadna wanaagsan tahay. “Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku amray Hay’adaha amaanka Soomaaliya inay baadhitaan deg deg ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ah ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad.

Dhinaca kale Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay shalay ee sheegayay in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud  geeriyooday.

Inj. Yariisow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been ah oo madaxweynuhu uu caafimaad qabo, dhawaanna uu dalka kusoo laaban doono.

“Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha way wanaagsan tahay mana qabo wax dhibaato ah,” ayuu yiri Inj. Yariisow oo intaas ku daray inuu maalmaha soo socda kusoo noqon doono dalka.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo shir jaraa’id ku qabtay shalay magaalada  Muqdisho ayaa sheegay in warka la isla dhexmarayo ee ku aaddan in madaxweynuhu geeriyooday uu yahay mid been abuur ah.

“Ma ogi halka ay ka keeneen kuwa faafiyay warkaas been abuurka ah, waa dacaayad cad,” ayuu yidhi wasiirka oo xusay in madaxweynaha uu caafimaad qabo uuna ku sugan yahay dalka Turkiga.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories