HomeMadaxweynaha Somaliya oo Raysalwasaare u magacaabay Siyaasi hore ugu eedaysnaa Khiyaamo Qaran

Madaxweynaha Somaliya oo Raysalwasaare u magacaabay Siyaasi hore ugu eedaysnaa Khiyaamo Qaran

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

MUQDISHO (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay Raysal-wasaaraha dalkaas u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyey waddanka Maraykanka dhawrkii bilood ee u dambeeyey. Waxaannu xilka kala wareegi doonaa Raysal-wasaarihii dhawaan kalsoonida lagala noqday Cabdiweli Sheekh Axmed.
siyaasiMadaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey Munaasibaddii uu ku magacaabay Raysal-wasaaraha oo Fiidkii xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, taasoo ay goob-joog ka ahaayeen Masuuliyiinta Xukuumadda shaqada ka tegaysa ee Cabdiweli Sheekh, Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka, Wakiillo Beesha caalamka ka socday iyo Marti-sharaf kale, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay Cumar Cabdirashiid.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan u magacaabo Danjire Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjire Cumar waa qof si fiican loo yaqaan, lagana qaddariyo dhammaan Soomaaliya, wuxuu leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo shaqo, horayna wuxuu u soo noqday Ra’iisul wasaare.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh.
Waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa intaa ku daray; “Inkastoo Dastuurka uu awood ii siinayo inaan kaligay soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub, haddana go’aankan markaan gaarayay waxaan tix-geliyay aragtida Soomaalida kala duwan oo matalaya bulshada qaybaheeda.”
Inkasta oo Xasan Sheekh ku dooday inuu Cumar noqon doono Raysal-wasaare ka fog musuqmaasuq, haddana inta badan Bulshada Soomaaliya ayaa aad uga niyad-jabay magacaabista Cumar Cabdirashiid, oo ay ku sheegeen inuu yahay Qabyaaladayste Musuqmaasuqayste ah, isla markaana uu yahay Raysal-wasaarihii iibiyey Badda Soomaaliya ee ay hadda ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya, iyagoo qaarkood muujiyey in immikana uu iibin dooon Berriga dalka.
Cumar Cabdirashiid ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh bishii July ee sannadkan 2014-ka waxa uu u magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, isagoo noqday Danjirihii ugu horreeyay ee ay u magacowdo dawlad Soommaaliyeed Maraykanka tan iyo sannadkii 1991-kii markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya ee Millateriga ahayd.
“Raysal-wasaaruhu wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay Soomaaliya. Anigu waxaan ahay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaarahuna waa madaxa xukuumadda, wuxuuna mas’uul ka yahay xaqiijinta hawlaha dowladda oo ay ku jiraan dhammaan wasiirrada iyo wasaaradaha inay fuliyaan howlahooda waqtiga loogu talao-galay, iyadoo aan musuq-maasuq lahayn, si hufanna loogu adeegayo danaha shacabka Soomaaliyeed.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay inuu Raysal-wasaaraha cusub ee uu ninka laga biyo-diiday u magacaabay si dhaqso ah wax uga qabto arrimo badan, waxaanu yidhi; “Soomaaliya waa in si dhaqso leh wax uga qabato dhawr arrimood oo taagan oo la xadhiidha Amniga, Siyaasadda iyo Horumarka guud. Iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in la qabto, waqtigana waa yar yahay. Waxaa muhiim ah in si deg-deg ah loo fuliyo geeddi-socodka Qaran dhisidda sida uu qabo higsiga 2016-ka, sugidda amniga iyo in dhaqso ah loo hirgeliyo tallaabooyinka horumarka ee ku xusan heshiiska Higsiga Cusub (The New Deal, Somali Compact).”
Madaxwenaha ayaa xusay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu Cumar C/rashiid xanbaarsan yahay mas’uuliyadda dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Golaha Wasiirrada, waxaana uu sii adkeyn doonaa buu yidhi; horumarkii la sameeyay labadii sano ee laga soo gudbay ee uu Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya ahaa. “Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu ogaado nabad iyo horumar inaanan lagu gaadhin si fudud, balse loo baahan yahay shaqo adag, heellanaan iyo dedaal dheeraad ah.” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.
Magacaabiddan ayaa imaanaysa iyadoo maalmahan la isla dhexmarayay in loo magacaabi doono xilka Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, iyadoo la xusuusto inuu hore Raysal-wasaare uga soo noqday dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha ka ahaa 2009-kii illaa 2010-kii, isagoo xilka ka degay markii khilaaf ka dhashay iibinta qayb badda Soomaaliya ka mid ah iyo soo-gelintii Ciidammada Kenya ee Koonfurta Soomaaliya, arrimo la xidhiidha maamul-xumo iyo musuqmaasuq baahan oo uu ku kacay dartood isu khilaafeen Sheekh Shariif, ka dibna ay Midawga Yurub, Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, IGAD iyo dawlado kale ku qanciyeen inuu is-casilo, intaan Baarlamaanku kalsoonida kala noqon. Arrimahaas oo ah kuwa ay dad badani uga biyo-diideen in mar labaad lagu soo celiyo hoggaaminta Xukuumad Soomaaliyeed.
Raysal-wasaare Sharma’arke ayaa la horgeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida loo siiyo, markaas ka dibna waxa uu soo dhisi doona Xukuumad cusub, waxaanu noqonayaa Raysal-wasaarihii 3-aad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Magacaabo muddada labada sano ah ee uu xilka hayey.
Waxa uu Raysal-wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid oo hadal ka jeediyey Munaasibadda lagu magacaabay, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha ka aqbalay inuu u magacaabo Raysal-wasaare, isla markaana uu isagoo ku faraxsan xilkaas uu uga mahad-celinayo Madaxweynuhu sida uu ugu gartay inuu magacaabo. Waxaanu sheegay inuu ka shaqayn doono horumarinta, nabadda, dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sida uu halkaas ka sheegay, waloow tuhun badani ku xeeran yahay Masuulkan.
Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo dhashay sannadkii 1960-kii ayaa ah 54-jir haysta dhalashada dalka Canada. Waxaanu Cilmiga Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ka bartay Jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa ee waddanka Maraykanka oo uu magacaabistan caawa ka hor dhawr bilood ka ahaa Safiirk Soomaaliya u fadhiya dalkaas.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories