HomeMadaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo); Halyey Qaranimada Somaliland u dhaartay, Midnimana...

Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo); Halyey Qaranimada Somaliland u dhaartay, Midnimana aan weligii afkiisa laga hayn

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Eng Mohamed AliMarka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan  shacabka xariirta ah ee reer So maliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal  Allaha awoodda leh ka baryayaa ,inuu dhammaant eenba ka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana , xaqa  u hiiliya , Qabyaaladda iyo fool xumadeedana iska fogeeya.

Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), marnaba afkiisa lagama hayo Midi nimo Soomaaliyeed baan raadinayaa,Koonfur baan la midoobaynaa,balse wuxuu u dhaartay dalkiisa Somalila nd.Shaqsiyaadka Tanakadaha madhan garaacayaa ,miyaanay ogeyn in aan shaqsi keli ahi Masiirka umaddanijeebka ugu jirin,balse shacabka Somaliland ay yihiin kuwa keliya ee talo ka go’do.

Midda kale, bal aan wax is weydiine,ma xasuusteena kooban,mise arrinku waa halkii Salaan Carabaye:

* Dumarkuba xublada foosha, way xanaf wareeraane
* Balse inay xusuus daran yihiin, xaylka kale mooge.”

Waxaynu dhammaanteen,muxaafid,mucaarid,qurba joog & gole joogba markhaati ka wada nahay ,Telefishanada & Webesiteyadana aan ka wada daawanay, maalintii Madaxweynuhuu Xilka la wareegayey ,oo ku beegnayd  27 July 2010 ,ee  Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare  ,mudane Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane),uu  Kitaabka gacanta u saaray, uuna lahaa:

“Waxaan ilaahay ugu dhaartay,inaan u noqonaayo daacad diinta Islaamka,Dalkayga Somaliland,
dadkiisana ku maamulaayo sinnaan iyo cadaalad,inta aan xilka hayo,wa bilaahi tawfiiq,”

Waxaa iyana mudan in la xasuusiyo kuwa hadimada & hagar daamada ummada u horseedaya,khudbad sannadeedkii Dastuuriga ahayd ee ee 30 January 2013,u ka hor jeediyey labada Gole ee Guurtida & Wakiilada,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Maanta Somaliland loo war wari maayo, marxalado badan ayay soo martay,oo fulaygu
shakiyey ,sidaan horeba u sheegayna Boqol sanno haday  qaadanayso,Qadiyada Madax bannaanida
Somaliland waa Muqadas,waxaanan ku kalsoon ahay inaan si wada jir ah uga wada gudbi doono
caqab kastoo innaga hor timaada.”

Ummadi haddi aanay kala danbayn,is qadarin ,  madax iyo mijana kala yeelan weydo,waxba kama duwana Xoolaha
duur joogta ah .Ogobeey sideedabana, noloshu waxay ku qurux badan tahay, Dawladnimaduna qiimo ku leedahay , marka aad walaalkaa Guushiisu Guushaada noqoto, marka aad waxaad naftaada la  jeceshayay,aad walaalka la jeclaato,waana sida Diinteena suubani inna farayso. Qaran wuxuu bur buraa,talana faraha ka haadaa ,marka uu ku bato is khilaafku,Diinta  laga fogaado, aafada xasadkuna xakamaha goosato , Qabyaaladana ay  Diin & quud  maal meedkooda ka dhigtaan.Balse ma moog yihiin, in midhaha laga goostaa ay aad u qadhaadh yihiin,bulshadana ay dhaxal siiso colaad sokeeye & inuu cadawgoodu u midoobo,isuguna habar wacdo , ka dibna midba kelidiiWaraabu hu geed hoostii ku cuno,oo lafihiisa ku ruugo.

Rabbi naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiyee,Gabayaagii weynaa ee Cabdillahi Suldaan Timacade,ayaa
tix uu tiriyey ayay ka mid ahayd:

* Garbaduub haddii loo xidhood, gaadhna ka ahaato
* Gacantii nin lihi goynayaa, waa gumudan taaye
* Nin walaalkii Geed ugu jiraa, Geesi noqon waaye

Maanta waa maalintii aynu Madaxweynaheena u hiilin lahayn,talo ku kordhin lahayn,mayse  ahayn inaynu ku baaq nno Shir doceedyo Qabyaaladaysan , oon  Geed walbba la hoos fadhiisanno,ama wixii gondaheenna yaallay in aynu Wadammo shisheeye  Madaxweynaheenna Dacwad kaga furnno,ka dibnna karamadeena ,Dawladnimadeena ,dad nimadeena & sharafteena dhulka la jiid jiido…Billa caleeg,taa waa laga fiican yahay, Geeridana waa loo dhashaa ,Gun nimana waa laga dhintaa !!!

Waxaan ku soo af meerayaa qormadaydan,Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waa Halyey Qaranimada Somaliland  u dhaartay, Somali weyn & dib u Midaw danabana aan  afkiisa laga hayn.

Waxaan idinku dhaafayaa,naftayda & tiinana Allah uga baryayaa,inuu xaqa ku sugo,khaatimadana kheyr ugu khatimo.

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
13 March 2013

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories