HomeMadaxweynaha Somaliland oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Duulista, Agaasime Cusubna magacaabay

Madaxweynaha Somaliland oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Duulista, Agaasime Cusubna magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Md. Axmed Dalal Faarax, waxaanu xilkaasi u magacaabay Agaasime cusub.

madaxweyne Siilaanyo

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul,kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2129/102013 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada, Mudane, Axmed Dalal Faarax isaga oo madaxweynuhu xilkaasina u magacaabay Agaasime cusub.
Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ah ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Mudane Axmed Dalal Faarax ee uu Digreetada xilka ka qaaday ku yidhi Mudane, Waxa aan kugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Waxa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL. ALLAA MAHAD LEH.”

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories