HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida...

Madaxweynaha Somaliland Oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida iyo Xogo la Xidhiidha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray wuxuu xilka kaga Qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan.

Wareegtada madaxweynaha oo lagu faafiyey war-saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay, waxa uu mudane Muuse Biixi Cabdi isla maanta magacaabay beddelka sarkaalka xilka laga qaaday, waxaanu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida u magacaabay Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage.

Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan, waxa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka-sida loo magacaabay 22-kii February, 2018-kii xilligaas oo ahayd bilowgii dhismaha Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi kaddib doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay November 2017-kii.

Madaxweyne Biixi ayaa xilligaas magacaabay 7 Sarkaal oo isaga kala sarreeya Maxkamadaha Ciidamada Qalabka-sida, kuwaas oo isugu jiray Guddoomiyeyaal, Garsooreyaal iyo Xeer-ilaaliye Guud iyo xeer-ilaaliye ku-xigeen.

Toddobada Sarkaal ee madaxweyne Biixi xilligaas isku-marka u magacaabay Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka-sida, waxay kala ahaayeen:-

  1. Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan = Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. Gaashaanle Sare Siciid Xasan Maxamed = Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3.  Gaashaanle Dhexe Ibraahin Maxamuud Guuleed = Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Aagga Bari.
  4. Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Carraale = Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  5. Gaashaanle Yaasiin X. Cali Maxamuud = Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  6. Gaashaanle Dhexe Fu’aad Raage Maxamed Xirsi = Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka.
  7. Gaashaanle Khadar Cali Maxamuud = Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories