HomeMadaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis sameeyey

Madaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis sameeyey

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xilalkii ka qaaday Wakiilladii Jamhuuriyadda u fadhiyey dalalka Ingiriiska, Midowga Yurub, Norway, Sucuudiga, Yemen, waxaanu beddelkooda magacaabay masuuliyiin Cusub.

blankMadaxweynuhu waxa kale oo uu masuuliyiin cusub u magacaabay Wakiillada dalka kale oo boosaskoodu bannaanaayeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin dalalka Jarmalka, Koonfur Afrika iyo Itoobiya.

Wareegto uu madaxweynuhu maanta soo saaray, waxa uu Safiir ku-xigeenka dalka Ethiopia oo booskiisu bannaanaa u magacaabay Suxufi Barkhad Maxamuud Kaariye, halka uu sidoo kale Safiirka dalka Jarmalka u magacaabay Mustafe Yuusuf Cali

“XIL KA QAADIS

Ku:     Maxamuud Cabdi Dacar

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

Ku:    Ayaan Maxamuud Maxamed

            Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

Ku:    Sulub Warsame Xuseen

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

Ku:    Cabdalla Muuse Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Ku:    Cali Maxamed Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

Og:    Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir

            Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

 

Mudanayaal iyo Marwo,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

MAGACAABID

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:        Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

Tir Magaca Xilka
1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska
2. Salaan Xasan Kayd Cabdille Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub
3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya
4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway
5. Axmed Jaamac Xasan Shire Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika
6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka
7. Cali Axmed Cismaan Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya
8. Axmed Cali Salaad Maxamed Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman
9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

 

Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories