HomeMadaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis ku sameeyey Golaha xukuumaddiisa

Madaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis ku sameeyey Golaha xukuumaddiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu xilalkii ay hayeen kaga qaaday Wakiilkii Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha iyo ku-xigeenka Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya, waxaanu beddelkooda u magacaabay masuuliyiin Cusub.

 

blank

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale digreetada ku magacaabay isla markaana ku buuxiyey booska Badhasaabka gobolka Badhan oo hore u bannaanaa, kaas oo uu u magacaabay masuul cusub oo lagu la yidhaahdo Maxamuud Xaamud Cumar.

 

Sida lagu sheegay wareegtada Madaxweynaha, Md Muuse Biixi waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Wakiilkii Somaliland ee dalka Shiinaha Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingister) iyo ku-xigeenkii Safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia Cabdikariim Cumar Ismaaciil.

 

Wareegtada magacaabist iyo Xil-ka-qaadista ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa u dhignayd sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/XKQ/222/1-328/062019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste),

     Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha

Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil,

       Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

 

 

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan.

 

Magacaabis

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

 

Tir Magaca Xilka
1. Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan
2. Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan
3. Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha

 

Sidaas ayaa lagu sheegay digreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories