HomeMadaxweynaha Somaliand oo Xil-ka-qaadis Aar-goosi u muuqata ku sameeyey Wasiirkii Ganacsiga iyo...

Madaxweynaha Somaliand oo Xil-ka-qaadis Aar-goosi u muuqata ku sameeyey Wasiirkii Ganacsiga iyo Maal-gashi iyo Sababaha soo Dedejiyey Xilligan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qaab aar-goosi afkaareed u muuqday xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Cabdillaahi Maxamed Cumar, waxaanu xilkaas u magacaabay masuul cusub, ka dib markii uu ka maqnaaday Guddiga ku dhawaaqday Liisaska Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE oo khilaaf ka abuurmay.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, oo Xambaarsanaa Digreetada Madaxweynuhu xilka-qaadista iyo magacaabista ku sameeyey, ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub.

Ujeedo: Xil-ka Qaadis Ku: Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirkii Hore ee W. Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah: Mudane, Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Magacaabid: MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday: In Dr. Muuse Qaasim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayuu u dhignaa War-Saxaafadeedka xambaarsanaa Digreetada Madaxweynuhu magacaabista iyo xilka qaadista ku sameeyey.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ka mid ahaa Xubnaha Wasiirrada Xukuumaddii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Siilaanyo soo dhiso markii loo doortay Madaxtinnimada dalka, isagoo markii uu xilka la wareegay maalin ka dib 28-kii July 2010 ku dhawaaqay Liiska Golihiisii Wasiirrada oo uu Maxamed Cabdillaahi safka hore kaga jiray, wakhtigaas oo uu u magacaabay Wasiirka arrimaha dibedda, isla markaana uu xilkaas soo hayey illaa dabayaaqada sannadkii hore oo uu u beddelay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland oo uu xalay ka qaaday.

Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Guddigii Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga KULMIYE bishii hore ku qabsaday Hargeysa, hase-yeeshee, habeen-hore ayaanu ka xaadirin madal ay Xubnihii Guddigaasi ka shaaciyeen Liiska Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE oo khilaaf ka dhex-abuurtay Garab ay xalay caddaatay inuu Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo iyo Garab uu Guddoomiye Muuse Biixi hoggaaminayo oo Xisbigu habeennadan u kala fadhiyey.

Dr. Cumar, ayaa la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa Masuuliyiin taageeray Guddoomiyaha KULMIYE oo ku dhawaaqay shirweynihii saddexaad ee bishii hore 29-keedii la soo gabo-gabeeyey ka dib inuu yahay Musharrax Madaxweyne, waxaana ka dib shaacinta Muuse uu Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Siilaanyo Cabdillaahi-Cukuse sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo mar labaad yahay Musharrax u taagan xilka Madaxtinnimada. Taas ayaan loo malaynayaa inay galaaftay Maxamed Cabdillaahi Cumar la afkaar noqon waayey xubnaha Shirguddoonkii Shiweynaha saddexaad oo iyagoon sharciyadda Xisbiga qaarkeed waafajin ku dhawaaqay Liiska Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta.

Waxaanay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ee ay ka midka yihiin Guddoomiye Muuse Biixi, Ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin, Xoghayaha guud Xasan Siciid iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee wakhtigiisu dhammaaday Jaamac Shabeel ay Jimcihii sheegeen inay arrintaasi sharci-darro tahay oo aanay Xisbi ahaan aqbalaynin ee dib loogu noqonayo Liisaskaas iyadoo sharciga Xisbiga loo raacayo.

Halka ay Xubnaha kale ee Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE ee Liisaska shaaciyey kaga adkeysteen maanta in sharci yihiin liisaska ay soo saareen, KULMIYE-na halka looga taliyaa ay tahay Madaxtooyada, go’aannadooduna ay yihiin kuwo sharci ah oo shirweynihii lagu ansixiyey, Dastoorka Xisbiguna u oggol yahay.

 

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories