HomeMadaxweynaha Somaliland oo Xayiraaddii ka qaaday Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal, Masuuliyiintiisana Cafis...

Madaxweynaha Somaliland oo Xayiraaddii ka qaaday Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal, Masuuliyiintiisana Cafis u fidiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta saamaxaad u fidiyey Guddoomiyaha Wargeyska madaxbannaan ee Hubaal Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tifaftiraha wargeyskaas Mr. Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef), kuwaasoo Maxkamadda Gobolka Hargeysa hore ugu ridday xukuno kala duwan, isagoo sidoo kale madaxweynuhu ogolaaday in xayiraadda laga qaado Wargeyska Hubaal.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa 21 June 2013 xayirtay Wargeyska madax-bannaan ee Hubaal, iyadoo 3 July 2013 maxkamaddu guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax dhan hal milyan oo shillinka Somaliland, halka tifatiraha wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah iyo ganaax dhan 2 milyan oo shillinka Somaliland, kuwaasoo 4 July 2013 Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa ku sii daysay damaanad.

hubaal-1Hasayeeshee, xubno Wasiirro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirrada warfaafinta, Madaxtooyada iyo Arrimaha Gudaha Somaliland iyo xubno ergo ah oo ka tirsan masuuliyiinta saxaafadda Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey wadahalo la xidhiidha wargeyska Hubaal u socdeen, ayaa ku guulaystay in madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ka aqbalo cod ay u gudbiyeen oo ku saabsanaa in saamaxaad loo fidiyo weriyeyaasha wargeyska Hubaal ee xukunka madaxkamaddu ku dhacay, isla markaana wargeyska laga qaado xayiraada maxkamadda Gobolka Hargeysa saartay, kadib markii ay raaligelin iyo xaal ka bixiyeen warar wargeysku hore u qoray oo wax lagaga sheegay safaaradda Itoobiya ee Hargeysa iyo arrimo khuseeya dalalka dariska ah ee la saaxiibka ah Somaliland, gaar ahaan Itoobiya, kuwaasoo dhaawac ku ahaa qaranimada Somaliland.

Masuuliyiin ka socday saxaafadda iyo ururrada bulshada rayidka ah ee oo uu weheliyey Guddoomiyaha wargeyska xayiraada laga qaaday ee Hubaal Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), ayaa maanta qasriga madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen wasiirrada warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Mr. Cali Axmed Cali, kuwaaso madaxweynaha iyo dawladda Somaliland-ba raaligelin ka siiyey wararkii uu wargeyska Hubaal ka baahiyey safaaradda Itoobiya, isla markaana waxay madaxweynaha ka codsadeen inuu saamaxaad u fidiyo weriyeyaasha maxkamaddu xukuntay, xayiraadana laga qaado wargeyska Hubaal, arrintaasoo madaxweynuhuna aqbalay.

Waxa kale oo masuuliyiinta kulankaas ka hadashay ee saxaafadda ka socday sheegeen inay saxaafad ahaan ka xun yihiin wararkii sababay in wargeyska Hubaal la xayiro, isla markaana xukuno lagu rido weriyeyaasha wargeyskaas, kuwaas oo sida la sheegay madaxweynaha ka hor caddeeyey inay damaanad qaadayaan in aannu wargeska Hubaal baahin doonin warar ka baxsan xeerarka iyo anshaxa saxaafadda Somaliland, isla markaana aanay dib u dhici doonin in warar meel-ka-dhac ah laga faafiyo dalalka jaarka ee xidhiidhka saaxiibtinimo ka dhexeeyo Somaliland iyo wixii wax u dhimaya qaranida iyo masaaliixda guud ee Somaliland.

Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Warfaafinta Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo iyaguna madaxweynaha ka hor kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay bahda saxaafadda kala shaqeeyeen sidii xal looga gaadhi lahaa arrinta wargeyska Hubaal, kuwaasoo sidoo kale xusay inay diyaar u yihiin sidii wadashaqayn fiicani u dhexmari lahayd saxaafadda iyo dawladda Somaliland, isla markaana saxaafadda loo madaxbannaaneeyo wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka saxaafadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ugu dambayntii hadal ka jeediyey kulanka uu la yeeshay guddida ergada ah ee ka socotay bahda saxaafadda Somaliland, waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan iyo dawlad ahaanba diyaar u yihiin sidii loo xaq-dhawri lahaa madaxbannaanida iyo xoriyatul-qawlka Somaliland, isla markaana aanay xukuumad ahaan dhibsanayn dhaliilaha toosinta ah ee saxaafaddu baahiso, balse waxa uu xusay in dawlad ahaan, saxaafada ahaan iyo dadweynahaba meel looga soo wada jeedsado ilaalinta masaaliixda iyo danta guud ee qaranida Somaliland, maadaama dalku leeyahay cadaw badan, isla markaana aanu wax icitiraaaf ah ka haysan beesha caalamka, isagoo xusay in aanu aqbali doonin wixii wax u dhimaya qarinada Somaliland, waxaannu madaxweynuhu sheegay inuu aqbalay codsida ergayada saxaafadda ka socotay u gudbisay ee la xidhiidhay sidii saamaxaad loogu fidin lahaa weriyeyaasha xukunku ku dhacay ee wargeyska Hubaal iyo sidii xayiraada looga qaadi laha wargeyskaas.

Dhanka kale, war-murtiyeed ka soo baxay ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu bogaadiyey geesinimada madaxweyaha Somaliland ku saaxamay xayiraaddana kaga qaaday Wargeyska Hubaal iyo masuuliyiintsa.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories