HomeMadaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Guddida Daryeelka Af-Soomaaliga oo Booqasho ku...

Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Guddida Daryeelka Af-Soomaaliga oo Booqasho ku jooga Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley guddiga akadeemiga daryeelka Afka Soomaaliga oo dhawaan booqasho ku yimid magaaladda Hargeysa.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay guddida Daryeelka Af Soomaaliga waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Madaxweyne Siillaanyo ayaa soo dhoweeyey guddidan waxaanu ku dhiirigaliyey inay hawsha baaxadda weyn ah ee ay hayaan ilaahay u fududeeyo,isla markaana uu ku faraxsan yahay kulankan uu la yeeshay aqoonyahanadda soomaaliyeed ee afka iyo dhaqankaba isku xil saaray ilaalintoodda.

Sidoo kale, guddigan Daryeelka Af soomaaliga oo ka koobnaa shan qof ayaa kala ahaaa Gudoomiyaha Guddida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax, gudoomiye ku xigeenka C/rashiid Maxamed Ismaaciil , Macalinka weyn ee Siciid Saalax Axmed oo Maraykanka ka yimid sanadkastana ka soo qaybgalla bandhiga carwadda buugaagta ee Hargeysa, Macalin Axmed Shiraac iyo Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi, waxaanay madaxweynaha uga mahad celiyeen sida qiimaha leh ee uu xafiiskiisa ugu soo dhoweeyey.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories